Xogsheeg Media Network

Mashruuca Soomaali ayaan ahay waana ku faanaa ‘Daawo’
Miiska Warqabadka

Xogsheeg Media

xogsheeg@hotmail.com

Facebook oo lacag laga dhigi doono
Dhawaan ayaa laga yaaba in Facebook lacag laga dhigo. Shirkada iska leh Facebook ayaa ka fikiraysa in ay lacag ka dhigto beeyjkooda facebook.com.

Waxa laga yaaba in u qofku bixiyo lacag yar ka dibna waxyaabaha u ku daabaco facebooga ay ka muuqdaan waxyaabaha dadka aan lacagta bixinin ay daabacaan.

Sidaas waxa qoray wargeyska maalin laha ah ee Dagens Nyheter maanta oo Isniin ah, yagoo ka soo xiganaya BBC-da.

Hadda ayaa Faceboogu arinkan ku smaynayaan tijaabo dalka New Zeeland.

Dadka arinkan ka faalooday ayaa sheegay, in ay macquul noqon karto in ay bixiyaan 15 karoon, haddii ay noqoto in Faceboog lacag ka dhigo beejkooda.

Mid ka mida dadka khabiirka ku ah waxa loo yaqaan socialmediyada ayaa sheegay, in ay soo bixi doonaan fikrado kale oo la mida kuwan la rabo in lacag laga macaasho.

DN

Kasim.abdulkadir@sr.se

©http://sverigesradio.se

HAMBALYO AROOSKA FAA’ISA MAXAMED CABDI IYO ADEN GEEDOW CAWAALE‏
Cabdirahmaan Maxamed Cabdi (garas) iyo xaaskiisa Faadumo Yusuf Cali

Nuuradiin Maxamed Cabdi

Maryan Cabdirahmaan Cabdi (garas)

Yusuf Cabdirahmaan Cabdi (garas)

Maxamed Cali Warsame iyo xaaskiisa Fardowsa Maxamed Cabdule

Cabdullaahi Maxamuud Jimcaale Timacadde iyo xaaskiisa Deeqo

Maxamed Axmed Jirjirooni iyo xaaskiisa Kaltuumo Maxamed Cali

Farhaan Cosoble

Osmaan Maxamuud Kaahiye

Maxamed Bashiir midnimo

Maxamed Xasan Cabdoow

Sahro Xasan Sheikh

Safiyo Maxamuud Maxamed

xaliimo Nuur Xuseen

Deeqo Maxamuud Maxamed

Xaliimo Faarax Ciise

Ifraax Xasan Sheekh

Maryan Maxamuud Shaakir

Najma Cabdirahmaan Xuseen

Arwa Naasir

Amaani Naasir

Niino Maye Cali

Dhamaanteen oo isku duuban waxaan halkaan Hambalyo kal iyo laab ah ugu direynaa Aden Geedow Cawaale iyo Faa’isa Maxamed Cabdi oo  05-05-2012 ku aqal qalay magaalada Rotherdam ee wadanka Holland.

Faa’isa iyo Aden isku waara ubad qeyr qabana kala hela ayaan idin leenahay.

Daawo Sawir laga qaaday maalmo ka hor Xildhibaanada geeriyooday intii ay noolaayeen.
Sawirkan hoose waxaan idiin kugu muujinnay Xildhibaannada geeriyooday ilaahey ha u naxariistee, xilligii ay booqashada ku joogeen degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Warbaahinta Xogsheeg

Miiska Tafaftirka

xogsheeg@hotmail.com

Daawo Sawirada Goobtii uu ka dhacay Qaraxii ismiidaaminta ee Dhuusa-mareeb
Halkaan waxaan idiin kugu soo gudbineynaa Sawirada Goobtii uu ka dhacay Qaraxii ismiidaaminta magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galgaduud.

Warqabadka Xogsheeg

Miiska Tafaftiraha

xogsheeg@hotmail.com

Xildhibaanno ku geeriyooday Weerar Ismiidaamin ah oo ka dhacay Dhuusa-mareeb
Allaha u naxariistee waxaa qarax ismiidaamin ah oo galinkii dambe ee maanta ka dhacay magaalada Dhuusa-mareeb ku geeriyooday Laba xildhibaan oo DKMG ah ka tirsan,Saraakiil iyo dad rayid ah.

Qaraxan ayaa geystay qasaare xooggan, isagoo bur buriyay gebi ahaan goobtii uu ka dhacay oo aheyd goob maqaaxi ah oo galabtii shaaha laga cabo.

Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar iyo Xildhibaan Cabdiweli Aw Maxamuud ayaa inta la ogyahay ku geeriyooday, iyadoo Xildhibaan Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan oo horay Wasiir Dowladdii hore uga soo noqday uu isna ku dhaawacmay.

Dhaawaca Axmed Cabdisalaan ayaa la sheegayaa in loola cararay Isbitalka Istarliin ee magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Warar ka soo baxay Qaraxa ayaa sheegaya in lala eeganayay Saraakiil Itoobiyaan ah oo iyana meesha ka agdhowaa iyo Mudanayaasha Dowladda oo iyagu maalmahaanba booqasho ku joogay degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galgaduud.

Idaacadda ku hadasha Afka Dhaq-dhaqaaqa Al-shabaab ayaa sheegtay in qaraxa ay ka dambeeyeen iyaga, iyagoo sheegay inay la beegsadeen cadowga alle sida ay hadalka u dhigeen.

Wali waxaanan faah faahin sax ah laga heynin qaabkii ay wax u dhaceen, iyadoo aanu rajeyneyno inaanu idiin soo gudbinno hadduu alle idmo wixii ku soo kordha.

Warbaahinta Xogsheeg

Miiska Tafaftirka.

xogsheeg@hotmail.com

Dr.Gaas oo la kulmay ergeyga EU-dda qaabilsan Africa
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee ururka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Geeska Afrika Mr Alexder Rondes iyaga oo ka wadahadlay horumarinta xiriirka Dowladda Soomaaliya iyo ururkaasi Midowga Yurub oo kaalin ka qaata taageerada Dowladda

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah ugu qabteen Xafiiska ayaa waxaa ugu horeyn warbaahinta la hadlay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda isaga oo xusay in Mr.Rondes ay ka wadahadleen sidii loo horumarin lahaa xiriirka ka dhaxeeya Dowladda iyo Midowga Yurub, isaga oo ku ammaanay inay qeybta ugu weyn ka qaataan sidii loomeel marin lahaa qorshaha Tubta Nabadda (Roudmap), taasoo ah howsha ugu weyn ee hortaala Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed xilliga kala guurka.

“Midowga Yurub waxaan ka wada hadalney dardar gelinta hanaanka hadda socda ee Roadmap-k, dhameystirka dastuurka, soo xulidda baarlamaanka Soomaaliya iyo dowladda la filayo August oo ay Soomaali u mideysan tahay oo aan noqoney isku aragtia eyna taageero ballaaran ee ay u fidiyaan Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waana taageeraha ugu weyn ee gacanta ka geysta sidii loo dhaqangelin lahaa Qorshe howleedka dowladda ee Roudmap” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha

Dhankiisa waxaa isna warbaahinta la hadlay Mr. Alexander Rondes oo guul ku tilmaamay inuudsan aheyn markii ugu horeysan uu yimaado Madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho uuna wadahadalo miro dhal ah la qaato madaxda dowladda oo uu ugu horeeya Ra’iisu Wasaare Dr. Cabdiweli isaga oo hoosta ka xariiqay in waxyaabo badan oo ay ka wadahadleen ay si wanaagsan isula meel dhigeen.

“Waxaan marka hore u mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Pro.Gaas iyo soo dhaweynta na loo sameeyay, Sidoo kale Wuxuu sheegay in wadahadala ay la qaateen ra’iisul Wasaaraha uu ula noqon doono Midowga Yurub si loogu sharaxo wadamada ku jira EU”. Ayuu yiri.

Wuxuuna Mr Rondes uu amaanay isbadeleda hormarka leh oo ay sameysay dowladda ee Magaalada Muqdisho, Sidoo kale wuxuu sheegay in kulankaan ka hor uu la soo kulmay madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo aan isna isku afgaraney wadahadaladeenii, ayuu yiri.

Ugu danbeyntii wuxuu u mahadceliyay saxafiyiinta,Isagoona ku amaaney sida ay u tabiyaan wararka ku saleysan xaqiiqda iyo doodaha aad u qabataan Siyaasadda, Iyo sidii ay soomaalida oo dhan uga qeyb qaadan lahaayeen.

Qeybo kamid ah Isbitaalka cusub ee degmada Ruunnirgood oo xariga laga jaray
Qeybo ka mid ah isbitaalka degmada Ruun-nirgood ayaa xariga laga jaray wuxuuna ka kooban yahay dhismaha isbitaalkaan cusub qeybo baahi weyn ay u qabeen bulshada halkaasi ku dhaqan.

Waxaa soo dhamaaday wejigii hore ee Isbitaalka degmada Ruunnirgood ee Gobolka Shabellada Dhexe.  Isbitaalka wuxuu ka koobnaan doonaa markuu soo wada dhamaado qeybta bukaan eegto(Outpatient),diiwaan gelinta, qaliinka, sheybaarka, raajada,    caruurta dumarka , qeybta raga, farmashiyaha iyo qeyb ay jiiftaan Dhakhaatiirta iyo shaqaalaha caafimaadka.

Wejiga labaad ayaa  qeybaha oo dhan lagu dhameestiri.  Waxaa xariga laga jaray qeybtii Daaweeynta Guud iyadoo hadda la dhisaayo guryaha dhakhaatiirta iyo shaqaalaha caafimaadku jiifan doonaan. mashruucan wuxuu noqon doonaa mid dadku wada leeyahay oo mudo fogna ku taamayeen

Dhamaan qarashka isbitaalka lagu dhisaayo waxaa bixinaaya dadka ka soo jeeda Degmada Ruun-nirgood ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiida. Ujeedaduna waxey tahay in dadku fahmaan iney isku tashadaan degmadoodana dhistaan .

Dadweynaha degmada ayaa si weyn u soo dhoweeyeen Isbitaalka cusub, waxaana la rejeeynayaa inuu daboolo baahida caafimaad ee degmada iyo degaanada ku dhow dhow. Insha Allaah.

Qorshaha dib u dhiska kaabeyaasha bulshada ee degmadaas ku dhegan ayaan ku koobneey isbitaalka oo kaliya waxaa kale oo socda dhaqdhaqaaqyo dib loogu balaarinaayo iskuulka degmada Ruun- nirgood  sidoo kale  balaarinta biyo gelinta degamada iyo dhisidda xarun cusub oo maamulka degamadda fadhiisto iyo hool shirar. Ruunnirgood wexey u jirtaa Muqdisho ilaa 240 KM iyadoo kaga beegan dhinaca waqooyi bari. Waa degmo aad u weyn oo ey hoos tagaan degaano faro badan. Waa degmo u badan xoolo dhaqato iyo beeraleey.

Sikastaba ha ahaate, Sida sawirka kore muujinaayo, todobaadkan ayaa  la dhagax dhigay qeyb cusub oo Isbitaalka ah oo ay degi doonaan Dhaqaatiirta iyo shaqaalaha ka howl geli doonaa Isbitaalka. Si howshu u fududaato dadka degmada ka soo jeedaa wexey sameesteen hey’ad samafal oo ey ku mideeysan yihiin oo la yiraahdo Ruunnirgood Foundation(www.ruunnirgood.com). Hey’adaani waa barta kulmisa dadka ka soo jeeda Degmadda, xiriirisana qurba joogta iyo dadka wadanka gudihiisa ku nool. Si mashruucan u taabo galo, waxaa dadka laagu baaqayaa ineysan u kala harin oo garab istaagaan.

Wixii faah faahin ah kala soo xiriir

Xasan Qaasim Goleey

Tell: 00441216221460 ama 00447946817570.

Email: info@ruunnirgood.com

web: www.ruunnirgood.com

Ilmada qalinka iyo nasiib-darrada qoraaga
Qalinka af-Soomaaliga wax ku qora wuu ilmeeyaa had iyo jeeraale, qoraagiisuna umal buu ku sugan yahay, waxaana taa ugu wacan bulshadiisa oo ka indhasaaban duxdiisa ama waxtarkiisa. Rasuulkeenna Muxamed (C.S.W) waxyi ku soo dega waxaa ugu horreysay suuratul-Iqra oo aadanaha fareysa inay wax akhriyaan.

Akhrintu wax bay ku bartaa, waxay kobcisaa garaadka, waxay kugu hoggaamisaa nolol cusub, hal-abuur iyo kasmo dhammeystiran.

Qarniba qarniga kale kama war-qabeen haddii aanu jirin qalin keydiya dhacdooyinka taariikheed, dadkuna fac ka fac aqoonta isuma gudbiyeen, mana gaarneen casrigan wax kasta kumbiyuuterka lagu maamulayo.

Af-Soomaaliga markii la qoray (1972) wuxuu yididdiillo geliyay qalin-maalka iyo akhristayaashiisa, maxaa yeelay wuxuu u ahaa qoraaga kansho uu dadkiisa wax ku gaarsiin karo waxaana waayadaas soo baxay buugaag dhowr ah oo anfacooda ay mahadiyeen intii akhrisay, kuwaas oo erayadii ay ku qornaayeen iyo farshaxankii qoraalkooda ay dhif tahay in la helo hadda.

Toddobaatameeyadii iyo siddeetameeyadii buugaag nuxur leh oo dadka wada gaaray in ay soo baxaan waxaa horseeday qoraaga oo haystay wasaarad (hiddaha iyo tacliinta sare), daabacaad (madbacaddii qaranka), oo u xil-saarnayd daabacaadda iyo badinta buugga, akhristayaal (dadkii oo markaas uu caabboonaa inay ku ciil-baxaan wax ku aqrinta afkooda oo hadahaas la qoray), guddigii af-Soomaaliga oo isaguna kaalin lama ilaawaan ah la garab taagnaa qoraaga iyo waxyaabo kale.

Nasiib-darrada qoraaga

Qorayaashii xilligaas caan baxay qaarkood way joogaan, ma is waydiisay sababta aysan buugaag kale u soo saarin, iyagase ma waydiisay? Waxaa meesha ka baxay kaabayaashii qaran, afkiina wuu rajoobay, maxaa yeelay dadkiisu waxay ka doorbideen afka oo ay wax isaga sheegaan (intii ay wax akhrin lahaayeen) iyo iyo afaf shisheeye oo ay ku faanaan, kana doortaan koodii.

Qoraaga Soomaaliga ah waxaa haysata nasiib-darro ay dadkiisa badeen, wax kastoo uu qoro qiime uma yeeshaan si la mid ah qoraaga ummadaha kale, xuquuqdiisana cid dhowrta way yar tahay, qaar baa waxooda dib loo daabacay (internet ahaan iyo buug ahaanba).

Dadkeenna tirada wax akhrisa waxaa ka badan tirada aan wax akhrin, waxaa noo meel-martay inaan nahay bulsho hadal ku nool ah (Oral Society), marka qoraa aan akhriste haysan waa ganacsi aan suuq haysan.

Colaaddii dalka ka billaabatay muddo hadda laga joogo rubuc-qarni in ku dhow waxay salfatay dhiiggii dadka, dhaxalkii carruurta, dhaqankii ummadda iyo dhulkii oo dadkiisii la baday qaxooti, natiijadii ka dhalatay waxay noqotay in aanay dhallinyaradu ka xishoon inay ku hadaaqdo “af-Soomaaliga kuma hadli aqaan, mana qori aqaan”, si sarriig la’aan ah, waa qeyb ka mid ah ilmada qalinka iyo niyad-jabka qoraaga.

Qoraageennu cid maalgashata oo ka macaashta wax soo saarkiisa ma haysto, isaguna isku daygiisa kama badna kummaan buug oo uu soo saaro si uu ugu yaraan intii karaankiisa ah dadka wax ugu gudbiyo, intaas yarna wixii ka galay dib uguma soo noqdaan, waayo reer hadal-ku-nool buug waxba uguma fadhiyo, waqtina uma hayaan gadashadiis iyo akhrintiis. Halkaas bay isaga iyo akhristihiisu isku haleeli waayaan. Qoraaga mar is xilqaama inuu mar kale dhiirrado way adag tahay, mar haddaanu dib u heleyn wuxuu ku dhaqaaqo.

Aqoonyahan wax qora oo aan la sheekeystay baa talada u soo diray dhallinyarada waxbaratay “In la abaabulo naadiyo dhallinyarada wax akhrisa isku xir u sameeya, waxay naruuro u noqon kartaa qoraaga nasiib-darrada la baday. Ku dhiirrigeli qoraaga inaad ka iibsato buuggiisa, si uu buuggii dib ugu badiyo ama uu mid kale u soo saaro”.

W.Q: Cabdiraxmaan Taysiir

www.facebook.com/ataysiir

Hoggaamiyaha SONY oo ka warbixiyay adeegyada cusub ee Shirkadda
Hoggaamiyaha cusub ee shirkadda SONY ayaa faah faahin ballaaran ka bixiyay markii ugu horreysay ee jagadaasi uu kala wareegay Hoggaamiyihii hore Howard Stringer.

Mudane Hirai iyo mid kamid ah walxaha uu hindisay

Kazuo Hirai oo ah Hoggaamiyaha cusub waxa uu tibaaxay in SONY wax badan iska badali doonto, taas oo ku aadan dhinac kasta hadey ahaan laheyd Agabka ay Shirkadda soo saarto iyo waliba qaabka shaqo ee Shaqaalaha Shirkadda.

Kowdii bishan April ayuu xilka kala wareegay Mudane Hirai Hoggaamiyihii hore  Mr Stringer oo mudo hayay, waxaana Hirai oo horay shirkadda horumarro u gaarsiiyay mar uu soo hindisay walxaha waqti lumiska (Games) loo yaqaan ayaa laga filayaa hadana Isbadal horumar leh.

SONY ayaa suuqeedu yar yahay marka loo eego Apple iyo Samsung oo iyagu xowli ku socda.

Maxamed Bashiir Midnimo

xogsheeg@hotmail.com

Nijmegen – Holland