Axkaabta Soonka Q:4aad W/Q: Sh Calinuur Xoogsade

July 16, 2013 12:32 pm39 commentsViews: 262

Wakaanaa kasii hadli doonaa Axkaamta soonka qeybtii afxaan markaana kusoo qaadan doonaa Axkaamta ku saabsan qofka muslimka ah ee safraa ayadoo lagu jiro bil Ramdaan. 

 4- Muslimka aan safar ku jirin ayuu ku waajibaa Soonka

Hadii ruux muslim ah safraa ayadoo lagu jiro bishan Ramdaanka safarkiisuna yahay mid waafaqsan shruudahaan hoos ku sheegi doono waxaa u banaan inuu afuro maalmahaas uu safarka yahay.

Shardiga koowaadWaa inuu safarkiisu yahay wax macno ahaan u qalmaa in safar la yiraahdo dadkuna safar u yaqaanaan, waxaana culimada ka mid ah qaar tilmaamay qadaro go’an oo aan ka yar loo xisaabin karin safar.

Shardiga LabaadSafarka ruuxa ay u banaan tahay inuu afuro soonka Ramdaanka waa inuusan ahaanin safar Xaaraan ah sida in koox fanaaniin ah oo meel ka tumi raba ama riwaayad dhigaysa loo safro, ama kubad fiirsi ama dheelid darteed ama Tumasho loo safro.

Shardiga sadaxaadAfurkana waa inuusan bilaabin inta uu ku dhex jiro magaalada uu joogo, waxaa taas macnaheedu yahay ruuxa fasaxa loo siiyay afurka safarka dartiis waxaa uu fasaxiisu u bilaabanayaa marka uu ka baxo magaalada uu daganaa dhaafana dhismooyinkeeda oo dhan.

Marka hadii ruux Muslim ah safar galaa asagoo waafaqsan shuruudahaas waxaa u banaan oo uu fasax u heestaa inuu afuri karo maalmaha lagu jiro Bisha Ramadaan, waxaana looga baahan yahay inuu dib kasoo gudo maalamaha safarka ku dhaafay.

Waxaa kaloo ruuxa muslimka ah ee safarka xalaasha ah ku jiraa u banaan inuu soomo haduu doono inta uu safarka yahay waxaana caado u ahaan jirtay Nabiga Suuban Nabad iyo naxariis korkiisa Allaha yeelee asaga iyo saxaabadiisa marka ay safar aadaan in qaarna soomaan qaarna afuraan ayadoon midna lagu dhaliili jirin inuu soomay asagoo safar ah ama inuu afuray darteed.

Sidaas darteed ayay Culimada muslimiinta yiraahdaan ayagoo daliishanaya Axaadiista Saxiixa ah yiraahdeen: waxaa ruuxa u wanaagsan inuu soomo asagoo safar ah hadii aysan dhibaato ku aheyn, waxaana u wanaagsan ruuxa inuu afuro hadii uu soonku culeys ku yahay.

Waxaa hadalkaas macnihiisu yahay in ruuxa muslimkaa uu doorto sida u sahlan marka uu safarka yahay oo uusan naftiisa dhibin; waayo waxaa Nabiga suuban Nabad iyo Naxariis korkiisa Allaha yeelee maruu arkay nin saxaabadiisa ka mid ah oo la taagdaran soonka dartiis dadkuna harinayaan oo haraadkii iyo gaajadii u adkaysan waayay yiri hadal macnihiisu yahay: {Wanaaga ka mid ah in safarka lagu soomo}.
Hadii ruux doonayay inuu safro kusii afuro Eroboor ka dibna raaco diyaarad asagoo afuray xiligii ay qoraxda dhacday markuu dhameestay maalintiisii ka dib diyaarada marka ay hawada lagasho arkaa qoraxdii oo banaanka ka muuqataa sooma celinayo maalintaas soonkiisii horay ayuu u gutay qoraxdiina horey ayay ugu dhcday.

Haduu ruux u safro magaalo asagoo niyadiisu ku jirto inuu joogi doono wax ka badan afar maalmood waxaa looga baahan yahay inuu soomaa maadaama uu afar maalin iyo ka badan ku nagaan doono magaaladaas.

Hadiise uu joogitaankiisu u xadidneyn ama uu joogayo waqti ka yar afar maalmood qorsho ahaan, waxaa u banaan inuu iska afuro dibna kasoo gudo maadaama uu safar yahay magaaladaasna uusan ku daaheyn.

Hadii uu qof magaalo u safro ayadoo lagu jiro Ramdaanka asagoo horey usoomay maalmaha qaarkood safarkiisa ka hor lagana yaabo inuu maalin ka hor maray soonka ama ka dib maray biloowga soonka waxa uu ku xukun yahay magaalada uu safray afurka iyo ciida waqtigeeda xataa hadii uu tiro ahaan soonkiisu dhaafo 30 maalmood ama uu ka yaraato 29 maalmood asagoo wixii ka dhinaada tiro ahaan soonkiisana dib kasoo gudi doona.

W/Q: Sh Calinuur Xoogsade
asadxg@hotmail.com

www.faceboob.co./ali.noor

Leave a Reply


Trackbacks