Axkaamt Soonka Q: 1aad W/Q: Sh Calinur Xoogsade

July 16, 2013 12:17 pm36 commentsViews: 58

Soonka  waxaa uu waajibaa in la soomo marka bisha Shacbaan ay 30ka u buuxsanto ama marka ay bilato bisha Ramadaan ayadoo Shacbaanku yahay 29 maadaama ay suura gal tahaya in bishu ku dhamaan karto maalinta 29aad, Nabiga Sauuban Nabad iyo Naxariis Korkiisa Allaha yeelee asaga oo faahfaahinaya inta ay tirsiga bisha gaari karto ayuu yiri: bisha waa sidaan iyo sidaan- waxaa uuna tilmaamay 29 iyo 30, asagoo ula jeeday in bisha ay ku dhamaan karto labadaas midood.

Marka hadii bisha Shacbaan ay 30 maalin gaarto wax muran ah malahaan karto goorta uu bilaabanayo Soonka Ramadaanka, hadiise la soo sheego bisha ama la arko 29ka ka dib in Ramadaanku bishay waa halakaas meesha inta badan khilaafku ka yimaado, amaba ayadoon la arag qof ku doodo inuu dadaal ahaan usoo soomayo si uusan u seegin fadliga soonka Ramadaanka.

Waxaase iga Xasuusin ah in ay lagama maarmaan tahay in la soomo hadii bisha la arko Maalinta 29aad maxaa yeelay Nabiga Suuban ayaa yiri: {Ku Sooma argtidiisa bisha kuna afura aragtidiisa, hadiise la aydinka qariyo- sida in jawigi Caad leeyahay oo kale-dhameestira tirsiga bisha Shacbaanka sondon maalmood}.

Mana banaana sharci ahaan inuu ruux yiraahdo si aanan muranba ula kulmin waxaan sii hordhacayaa hal maalin ama laba maalin Ramadaanka waayo taas waxaa reebay Nabiga Suuban Nabad iyo Naxariis korkiisa Allaha yeelee oo yiri: {Ruuxii soomaa Maalinta laga shakisan yahay dhexdiisa waxa uu caasiyay qaasim aabihii}.

Taasoo macnaheedu yahay waxa uu caasiyay Nabi Muxamad maxaa yeelay asagaa ahaa Abul-Qaasin kuunyo ahaan, sidoo kalan Nabiga suuban Nabad iyo Naxariis korkiisa Allaha yeelee waxa uu yiri: {Qofkiin yuusaan kala hormarin Ramdaanka malin ama laba maalin soonkood ilaa qof caado u lahaan jiray ma ahane inuu soomo}

Sidoo kalana waxaa xasuusin mudan ma banaana in lagu tirsado kalandaariyaha Soonka xiliga uu bilaabanayo ama dhamaanayo maadama ay tahay wax khilaafsan Sunaha iyo Ijmaacii Salafkii Suubanaa.

Hambalyada bilashada Ramadaanka

Waxaa sunahii Nabigeena suuban Nabad iyo Naxariis korkiisa Allaha yeelee ka mid ah in la isugu hambalyeeyo bilashada Ramadaanka waxaaana uu dhihi jiray asagoo u bogaadinaya muslimiinta: {waxa idiin yimid Ramdaankii, bil barakaysan ayaa idiin tmid, Allaahna waxaa uu idinki waajibiyay soonkiisa, waxaa la furaa albaabaha Samada, waxaana la xiraa albaabaha Jaxiima, waxaana la akatiinadiyaa Shayaadiinta madaxa adag, waxaa ku dhex jira habeen ka kheyr badan kun bilood, qofkii bishaas kheyrkeeda seegaa wa mid kheyr oo dhan seegay}

Waxaanan aqristayaasha ku baraarujinayaa Axaadiistaas dhamaantood inay yihiin Axaadiis sugan yihiin daliil ahaana culimada muslimiinta ugu daliishadaan masalooyinka aan kor kusoo xusnay iyo kuwa soocda.

 W/Q: Sh Calinur Xoogsade
asadxg@hotmail.com
http://www.facebook.com/ali.noor

Leave a Reply


Trackbacks