Axkaamta Soonka Q: 2aad W/Q: Sh Calinuur Xoogsade

July 16, 2013 12:21 pm33 commentsViews: 267

Soomitaanka Ramdaanku waa Waajib sida ku cad Kitaabka Sunaha iyo Ijmaaca Muslimiinta waana arin ay muslimiinta oo dhan jiilba jiil caamo iyo culimo wada aamisan yihiin.

Suura Al-baqara Aayada 183aad: {kwa xaqa rumeeyayow waxaa la idinku waajibiyay soonka sidii loogu wajibiyay kuwii idinka horeeyay si aad dhawrsataan}

Nabiga suuban Nabad iyo Naxariis korkiisa Allaha yeelee mar uu tiirinayay Arkaanta Islaamka iyo Tiirarka  aas aaska Diinta u ah: Islaamka waxa lagu dhisay Tirar shan ah dushood……… soonka Ramdaanka}

Imaamu Dahabi waxa uu yiri: Muslimiinta oo dhan waxa ay si isla mid ah u yaqaanaan qofkii ka tagaa soonka Ramdaanka cudurdaar la’aan, waxa uu ka shar badan yahay kuwa zinaysta iyo kuwa khamri cabitaanka caadada u yahay, weliba Muslimiinta waxa ay ka shakiyaan islaamnimadiisa ruuxaas iyo inuu Allaah asal ahaan rumaysan yahay.

Dadka Soonka Ramadaanka ku waajibo

Soonka Ramdaanku waxa uu ku waajibaa Muslim kasta, Qaangaar ah, Garaad leh, ee nag ee aan musaafir aheyn, awoodna u leh soomitaanka, aanan qabin waxyaabihii soonka reebayay sida Caada dumarka iyo dhiiga dhalmada ka dib ka yimaada dumarka arimahaas oo faahfaahsana hoos ka aqri.

 

1- Muslimka ayuu ku waajibaa soonka

Hadii uu soomo ruux aan muslim aheyn ajar kama helo maadaama uusan asal ahaanba aaminsaneyn Diinta Islaamka caqiido ahaan, arintaana waayahaan dambe waxa ay noqotay wax caadi ah sanad walbana waxaa la arkaa dad yiraahda waxaan la soomaynaa muslimiinta taasoo qaar maban u sababtay inay dib ka muslimaan.

Marka soona waxaa uu ku waajibaa Mulimka kaliya taasna macnaheedu ma aha in kuwa aan muslimka aheyn dembi ku madaneyn soon la’aanta;  waayo kuwa aan muslimiinta aheyn waxa Maalinta qiyaamaha loo caadaabaa marka koowaad gaalnimadooda ka dibna camalada ay ka tageen oo dhan.

 

2- Qaangaarka ayuu ku waajibaa soonka

Qaangaarka waxaa loo la jeedo in uu ruuxa ka gudbay sharci ahaan caruurnimadii waxaana jira calaamooyin afar ah oo lagu garto caruurta in ay qaangaareen, hadii calaamadahaas midood ama ka badanba lagu arkaa ama uu isku arkaa taas macnaheedu waa in ruuxaas qaan gaaray loogana baahan yahay xaga cibaadaadka inuu ula yimaado sida Muslimiinta kale.

 

Calamadaha Qaangaarka ee wiilasha iyo gabdhaha ka dhaxeeya

 Calamada Koowaad: waa inay biyaha Shahwada loo yaqaaan isku arkaan caruurta wiil ama gabarba, hadiiba ay arkaan calaamadaas waxaa ku waajib ah inay soomaan sida dadka waa weyn u soomaan.

 

Calaamada Labaad: waa in ay timaha hoosta kasoo baxaa ee Caanada ama Shuunka loo yaqaan isku arkaan caruurta, taasoo hadii wiilka ama gabadha arkaan u ah calaamad muujinaysa inuu soonka Ramadaanka ku waajibay.

Calaamada Sadaxaad: waa inay gaaraan caruurta 15 sano cumri ahaan taasoo ah xadka ugu dambeeya ee wiil ama gabarba looga tiriyo qaangaarnimadiisa.

Hadii uu ruux aan gaarin Muslimna ah soomaa waa ka ansaxayaa soalidkiisna ajar ayay ku leeyhiin wanaaga ay ku tarbibyeeyen, wa waxaana caado u ahaan jirtay muslimiinta weligood inay caruutooda soomiyaan kuna tarbiyeeyaan cibaadooyinka ka hor inta aysan qaan gaarin.

Waxaanan waalidiinta xasuusin lahaa inay caruurta baraan waxyaabaha lagu qaangaaro iyo sida loo maareeyo marka la qaangaaro haday ahaan laheyd Janaabada Axkaamta quseysa ama Caadada iyo sida gabdha ay isaga nadiifinayso si aysan caruurta marka ugu horeysa jirro iyo dhibaato kusoo korortay ugu qaadan calamaadaha qaangaarka astaanta u ah marka labaadna si aysan cibaadadooda u dayacmin oo aysan u cibaadeysan ayagoo aan dahaaro qabin amaba aysan cibaadada ugu tagin ayagoo isu heesta inaysan weli qaangaarin ayagoo qaangaaro ah.

W/Q: Sh Calinuur Xoogsade
asadxg@hotmail.com
facebook.com/ali.noor

Leave a Reply


Trackbacks