Axkaamta Soonka Q: 3aad W/Q: Sh Calinuur Xoogsade

July 16, 2013 12:27 pm23 commentsViews: 280

Waxaa jira waxyaabo Dumarka ku gaar ah markaa soonka la joogo si taas aan uga boganana waxaan soo gudubin doonaa Axkaamta Soonka dumarka ku gaarka ah.

Waxaa ka reeban gabadha Muslimada ah inay soonto maalmaha ay caadoonayso, hadii ay soontana kama ansaxo maalintaas waana inay dib kasoo gudaa sidaa darteed ayaa Caaisha mar la weydiiyay sababta soonka dib ay ugasoo gudo gadha muslimka ah marka ay  caadada qabto salaadana aysan usoo gudeen ku jawaabtay: {Dhiiga wuuna qaban jiray waxaana lana amri jiray inaan soo gudno soonka mana lana amri jirin inaan soo gudno salaada}.

Hadii ay gabadhu caado isku aragto ayadoo sooman xataa hadii maalinta ka harsaneed daqiiqado aad u yar waa uu ka jabaa soonka waana inay maalintaas laga bilaabo ilaa inta uu ka joogsanayo tirsataa dibna kasoo gudaa.

Hadii ay gabadhu daahir noqoto daqiiqado ka hor xiliga soonku biloowdo ee Fajarka labaad waa inay soontaa maalintaas xataa hadii aysan ka qubeysan caadada ilaa xiliga salaada Subaxa ay tuknayso, waayo soonka wuu ku waajibaa hadii uu ka joogsado dhiiga ka hor fajarka maalintaas ilbiriqsiba ha ahaatee.

Waxaa kaloo ruuxa muslimka looga baahan yahay inuusan  soonka uga tagin janaabo uu ku habeensaday darteed soonka maalintaas ama in gabdhu aysan soonka uga tagin inaysan caadadaii ka qubeysan fajarka ka hor aydoo u haysata inaysan soomi karin maadama aysan qubeysan.

Nabiga Suuban Nabad iyo Naxariis korkiisa Allaha yeelee wuu soomi jiray asagoo waagu ugu baryay janabadii reerkiisa  waxa uuna u qubeysan jiray salaada subax, sidaa darteed soonka shardi uma ah inuu ruuxa qubeysto dahaaro ahaan inta aan fajarka la gaarin loomana shardiyo Soonka dahaaro ahaan in la qubeesto.

Hadii gabadhu ay uur leedahay awoodina soonka Ramdaanka waxaa u banaan inay afurto ayadoo dibna kasoo gudi doonta maalmaha ay afurtay wax kafaaro gud ahna loogama baahna maadaama ay nafteeda darteed u afurtay.

Hadiise gabadhu u afurto canugeeda caloosha ku sido dartiis ama kan ay nuujinayso waxaa u banaan inay afurto hase yeeshee waxaa looga baahan inay soonka soo gudo iyo inay kafaaro gud raaciso maalin kasta oo ay afurtay maadama ay u afurtay naf kale inay caawiso darteed.

Hadii gabdha oo sooman ay dhacdo inay baaris caafimaad lagu sameeyo sida in Makaanka gabdha dhakhtar fiiriyo soonkeeda kagama jabo maadma ay la mid tahay ayadoo ilkaheeda dhaqtar baaritaan ku sameeyay oo kale marka soonka Maalintaas kama jabo baaritaanka dartiis.

Hadii gabadha xaas tahay waxaa u banaan inay ninkeeda salaami karto ama shumin karta hadii ay naftooda hanan karaan, hadii aysan naftooda hanan karina waxaa u wanaagsan inay ka fogaadaan wax walba oo soonkooda halis galin kara una sababi kara in ay ku lagu waajibiyo kafaaro gud aad u adag; maadaamo soonku yahay maalinta kaliya habeenkuna reerka fursado heli karaan iyo maadaama soonka Ramadaanku yahay hal bil kaliya.
3-Caaqli iyo Garaad Muslimka leh ayuu ku waajibaa Soonka

Hadii ruuxa uusan dhimir ahaan fayoobeen kuma waajibo soonka hadiise ruuxa uu caafimaado maalin Ramdaaan ah gudaheed waxaa ku waajibaysa inuu maalintaas cuno cunin afka qabsado ilaa qoraxda ka dhacdo; maxaa yeelay waxa uu ka mid noqday dadka uu ku waajibay soonka.

Hadii ruux uu bukoodo oo miir daboolmo ayadoo uu soomaa uuna soo naaxo marka la afruro ka dib ama xiliga afurka ka hor iskana sii wato soonkiisa waa uu ka ansaxayaa maalintaas; maxaa yeelay waxa uu soonka xertay asaga oo fayoow waxna ma cunin ilaa laga gaaro xiligii afurka.

Hadii uu ruux dhinto bil Ramadaan gudaheed wax gudid ah loogama baahna maalmaha ka harsanaa bisha maadaama uu geeriyooday lagama soomaayo gudis ahaan maalmahaas.

Hadiis ruux Muslim ah jahli dartiis uu la yimaado maalin Soon ah waxyaabihii ka reebanaa sida cunada cabida iyo jimaaca waxba dambiya malaha hadii uu ruuxaas yahay mid mar dhaw soo Islaamay ama ku barbaaray meel aysan culimo muslimiin ah joogin.

Hadii uu ruuxa cunto cunaa ama cabaa cabitaan asgoo iloowsan wax dhibaato ah malaha waxaana uu Nabigeena Suuban Nabad iyo Naxariis korkiisa Allaha yeelee ku fasiray arintaas: {Inuu Allaah ruuxaas quudiyay oo uu waraabiyay}.

 W/Q: Sh Calinuur Xoogsade
asdadxg@hotmail.com
http://www.facebook.com/ali.noor

Leave a Reply


Trackbacks