Axkaamta Soonka Q: 5aad‏ W/Q: Sh Calinuur Xoogsade

July 16, 2013 12:37 pm946 commentsViews: 346

Waxaaan markana kasii hadli doonaa Axkaamta soonka qeybtii 5aad waxaanan kusoo qaadan doonaa  arimaha quseeya qofka muslimka ah ee buka iyo sida uu soomayo.

 5- Soonka Muslimka Caafimaadaka qaba ayuu ku Waajibaa

Hadii qof bukoodo jiro ka saarta xaaladiisii caafimaad waxaa u banaan inuu afuro maalmaha uu buko sida ku cad nusuusta Kitaabka iyo Sunaha, hase yeeshee uma banaana ruuxa muslimka ah inuu madax wareerka yar iyo hargabka iyo haraadka ama gaajada ama tabardarida baahida soonka sababto iyo wax la mid ah inuu u afuro; waayo jiro muuqata oo uusan ka soomi karin kaliya ayuu ka afuri karaa ee ma aha jiro kasta ama  daal iyo tabar yarida qofka sooman dareemo inuu isaga afuri karo.

Hadii ruuxa ay qabato gaajo xadka ka baxday ama haraad daran sida dadkii ku safray saxarahii liibiya oo kale kii ay arkeen oo sababi ruuxa inuu u geeriyoodo ama caafimaadkiisu dhibaato dhab ah ku keeno xubnihiisa  jirka xubin ka mid ah waxaa ku waajib ah inuu afuro; maadaama ay waajib tahay dhowritaanka nafta Illaahna uu xarimay in la halaago Nafta farayna in la dhowro xuquuqda nafta leedahay.

Qofna uma banaana oon daran ama gaajaa i qaban doonta darteed inuu usii afuro ayadoo aysan qaban asagoo ka baqaya wax uusan dhab ahaan markaas u arag sida raga ka shaqeeya shaqooyinka culus waa ina ay habeen kasta niyada soonka la yimaadaan shaqadooda galaan hadii ay kari waayaan inay soonka sii wadaan waxaa u banaan inay afuraan dibna ka soo gudaan.

Hadii qof  bukooda jiro uusan fileyn inuu ka bogsoodo waxaa u banaan inuu iska afuro maalin kastaana miskiin quudiyaa, ayadoo ay culimadu ku qadaraan inuu miskiinka siiyo wax la eg qiyaas ahaan Kiilo iyo bar Bariis ah maalin walba, waxaana u banaan inu mar isugu wada yeero masaakiin badan una qeybiyo cunadii kafaarada aheyd dhamaantood ama maalin kasta marka la gaaro xiliga afurka inuu maalin maalin hal ruux u siiyo.

Hadiise qofka jiradiisa tahay mid la filayo inuu ka bogsoodo waxaa u banaan inuu afuro laakiin miskiin ma quudinayo maalmaha uu afursanaa maadama laga rajo qabo inuu fayoobaado.

Hadiise qof u heestay jiradiisu inay yar tahay asagoo niyeesnaa dib inuu kasoo gudi ogaadaa in jiradiisa tahay midaan dib dambe ugu saamaxeyn inuu soomaa abid waxaa u banaan inuu maalin kasta oo uu horey usoo afuray miskiin quudiyaa sidaasna caado ka dhigtaa inta cumrigiisa ka harsan.

Hadiis qof qabay jiro la aaminsanaa inuusan dib dambe uga soomi kari doonin caadana ay u ahaan jirtay inuu miskiin quudiyo soon kasta fayoobaadaa uu ka caafimaadaa cudurkii hayay sooma celinayo wixii soon ahaa ee uu horay kafaaro gud ahaa masaakiinta soo quudiyay; maadaama uu gutay waajibkii markaa saarnaa waxaaa uuna bilabayaa soonkiisa sida dadka kale hadii uu jiro caadi ah jirada waa afurayaa sida dadka kale dib ayuuna kasoo gudayaa soon ahaan.

Hadii qofi bukoodaa jirro uu is lahaa waad ka caafimaadi doontaa sooonkana dib ayaad kasoo gudi doontaa laakiin ay jirradii ku weynaato kuna dhintaa asagoon gudin wax gudis ah loogama baahna asaga iyo ahalkiisuba; maadama uu fasax uu  u lahaa jiradiisa inuu afuro ajashiina kusoo dagdagtay asagoo aaminsanaa haduu jiradan ka kaco inuu dib ka soomi doono.

Hadiise qof bukoodaa jirro caadi ah iskana afuraa fasaxa diinta siisay dartiis ka dibna  caafimaadaa fursadna u helay  waqti uu gudi karo soonkii lagu lahaa hase yeeshee soonkiina aan sidaas haduu ku geeriyoodaa asagoon weli soonkii lagu leeeyahay, waxaa ahalkiisa laga rabaa inay miskiin ka quudiyaan maalin kasta oo dhaaftay ama inay ka soomaan maalmihii dhaafay tiro la eg si ay uga gudaan.

Hadii ruux uu hubo in waalidkiis soon lagu leeyahay waxaa u bahaan inuu ka soomaa ama miskiin ka quudiyaa tiri la eg maalmaha uu isleeyahay waa lagu lahaa waalidka, waxaana baarinimada waalidka loo sameeyo geridooda ka dib ka mid ah in laga mago deynta kasta lagu leeyahay nooc kasta ay tahay mid uu allaah ku leeyahay ama mid dad ku leeyihiin, illaah deyntiisa ayaana ku xaq weyn in laga mago.

Haduu ruux caafimaad qabaa uusan soomin asagoo awooda Ramadaano sanado fara badan ama maalmo badan asagoon xalaashan xormada Soonka ee sahlan jiray kaliya ama ka wehsan jiray dibna kasoo hanuunaa waxaa saaran inuu illaah u towbad keenaa kana cafis dalbadaa marka koowaad waayo waxa uu ku dhacay gaf aad u weyn waxa uuna dayacay Tiir ka mid ah Tiiraarkii Islaamku ku dhisnaa, marka labaadna waa inuu ruuxaas soo magaa maalmo la eg tiro ahaan maalmihii dhaafay.

Hadii qofkaas intuu afurnaa ayadoo Ramdaan lagu jiray uu Jimaac sameeyayna waxaa laga rabaa inuu la yimaado kafaaro gudkii jimaaca maalin kasta uu ku tuntay xormada bisha ee uu jimaaca sameeyay, maalin kastana waxay leedahay kafaaro u gaar ah.

Kafaarada dib ayaan ka faahfaahin doonaa si koban hadaan usoo gudbiyana waa inuu Naf adoonimo ku jirto xoreeyaa haduusan karina inuu lixdan maalmood oo xariirta soomaa haduusan karina inuu lixdan miskiin ah waa inuu quudiyaamaalin kasta oo uu jimaac sameeyay kafaaro ahaan.

Hadiise qof u afura inkirid iyo xalaashi xormada soonka Culimada muslimiinta iskuma khilaafsana inuu gaalnimo u gudbayo ruuxaas kana baxayo diinta Islaamka; sababtana waa inkirida waajibnimada ayaa macnaheedu yahay beenin uu beeninanayo ruuxaas Illaah Sareeyee iyo Rasuulkiisa Nabad iyo Naxariis korkiisa Allaha yeelee.

 

W/Q: Sh Calinuur Xoogsade
asadxg@hotmail.com
www.faceboob.co./ali.noor

Leave a Reply


Trackbacks