Axkaamta Soonka Q: 6aad‏ W/Q: SH Calinuur Xoogsade

July 16, 2013 12:41 pm14 commentsViews: 335

Waxaan markana soo gudbinayaa qeybtii lixaad Axkaabta soonka Ramadaanka waxanan kusoo qaadi doonaa Waayeela awooda ama aan awoodin mararka qaar ma aanba soon oo dhanba awoodin ama garaadka aan laheyn arimaha ku saabsan iyo Niyada Soonka

 

6-Waayeelka awooda soonka waa ku waajib 

Hadii ruux gaboobo gabaw uusan wax tabar ah haynin waayeelnimo dartiis awoodina waayo inuu soomo waxaa u banaan inuu iska afuraa inta cumrigiisa ka harsan laakiin wax uu quudinayaa maalin kasta oo maalmaha soonka dhaafay ka mid ah miskiin.

Hadiise ruux uu gaboobo gabaw uusanba ogaalba laheyn caqligii iyo tabartiiba wada dhamaadaan wax soon ah ama quudin lagama rabo; maxaa yeelay waajibkii waa ka dhacay waxa uu ka mid noqday kuwa aan dembi loogu qoreyn camal ay ka tageen dartiis wax waajib sharci ahaan u saarana ma jiraan asaga naf ahantiisa ahalkiisana masaarna inay quudin ama kasoomid u sameeyaan.

Hadii qof waayeelnimo darteed maalmo ogaalka tago oo uu isku dardarsoomo maalmana ogaal yeesho waxaa laga rabaa soonka maalmaha uu ogaalka leeyahay haduu karo inuu soomo ama haduusan karina in miskiin laga quudiyo maalin kasta oo uu ogaalkiisu fiicaan yahay.

Ibnu Cabaas waxa uu dhihi jiray marka uu fasirayo aayada ka hadasha kuwa aan soonka karin inay fidyo bixinayaan ee ku jirta suurada Al-Baqra aayadaha Soonka dhexdooda: {ayadaas lama nasaqin xukunkeeda waxaana loola jeeda oday iyo islaanta ee aan soonka awoodin waxaa maalin walba laga quudiyaa miskiin}

Hadii ay shareecada qof ruqsad u siiso inuu afuri karo cudurdaar saxa ah oo uu sharci ka aqbalay dartiis waxaa looga baahan yahay inuusan dadka hortooda cunda ku cunin hadii fasaxa ama ruqsada uu heestaa tahay mid qarsoon sida caada iyo nifaaska dumaraka ku dhaca oo kale ama ruuxa safarka dariis fasaxa u helay; waayo ulajeeda loo fasaxay ma ah mid jirkooda ka muuqata sidaa darteed waa inay bisha xormeeyaan dadka hortoodana wax ku cunin oo aysan baananada lasoo joogsan cunada iyo cabitaankaba.

Hadiise qofka bukoodo jiro muuqata saas darteedna fasaxa soonka ku helay waxaa u banaan inuu si muuqata wax u cuni karo maadaama cudurdaarkiisu yahay mid banaanka yaala inuu dadka ku hor cunaana waa u banaan tahay.

NIyada Soonka

Soonka waajibka ah waa lagama maarmaan qofka inuu habeenka qeyb ka mid ah niyada gashado Nabiga Suuban Nabad iyi Naxariis korkiisa Allaha yeelee waxaa  wax uu sheegay inuusoon soon u jirin ruuxii aan habeenka niyeeysan soonka, hase yeeshee soonka sunada waxa u banaan inuu ruuxa marka waaga baryo ka dib intuusan cuno cunin xerto soonka.

Xerashada soonka ma aha in la yiraahdo oraahyo gaar ah laakiin waa in niyadaada galisaa adigoo go’aansanaya inaad soomayso berito, waayo daliil ah oo tusaya in niyada soonka lagu dhawaaqo iyo oraah gaar ah oo la yiraahdo si soonka loo xerto.

Niyada waxaa loola jeedaa inuu ruuxa laabta gashadaa falka uu damacsan yahay inuu sameeyo hadii ay Salaad ama Soon ama cibaado la mid ah tahabyba, sidaasoo kalana ma jiro nas sheegaya in oraahda la sheegay in lagu xerto hadii la  maalinta dhexdeeda la yiraahdaa inuu soonku ku jabayo, mana jiro hadal buriya soonka oo aan ka aheyn qofka inuu ku dhawaaqo si ula kas ah kalimad gaalnimo u gudbiso.

Hadii soonka uusan waajib aheyn qofka waxaa uu niyada gashan karaa inuu soomo marka waaga baryo ka dib shardina uma aha soonka sunaha ah in la niyeesto habeenkii.

Qofkii maalin Ramdaan soonka niyadiisa goyaa ee afuro laabta gashadaa ee aan afurin ma uusan afurin soonkiisana wuu sii wadan karaa  maadaama laabta kaliya ka d inumcay inuu afuro ficil ahaana uusan ula imaan, waxaana la mid ah ruuxii asagoo  ku jiraa damcaa inuu hadlo ee aan hadlin kama jabto salaadiisa maadaama uusan hadlin.

Hadii qof uusan niyaysan habeenkii waqti ka mid ah niyada soonka ee uu labalabeeyo niyada asagoo isleh ma soontaa berito mise maya soonkiisu ma ansaxayo waxaana ku waajib ah maalintaas inuu dib kasoo gudaa.

Hadii qof soomaa asagoon niyeeysan soonka waajibka ah habeenkii xili uun ka mid ah soonkiisa waxba jiraan sidaa darteed waaa wajib in niyada in lala yimaado niyada soonka waajibka ah.

Hadii uu qof niyeesto soon waajib ah sida Ramadaan ama Nadar ama qaleyn ah uma banaana inuu soonka jabiyo ilaa cudurdaar sax ah oo shareecada u ogolaatay ma ahane, laakiin ruuxa xertay soon suna ah waxaa u banaan inuu iska afuro ayadoon la gaarin xiliga afurka naftiisana asagaa u xor ah inuu sii wato iyo inuu iska afuro.

Hadii qof waaga u baryaa asagoon ogaanin in maalinka kusoo foolka leh Ramadaan kow yahay asagoon niyaysan inuu soomo maalintaas, waa inuu maalintaas iska af xertaa sida ruux sooman oo kale dibna kasoo gudaa maalintaas maadaama uusan horey i niyeeysan inuu soomo.

Hadii qof Muslim ah oo xabsi ku jiraa ka ogaadaa dad uu ku kalsoon yahay in bishii Ramadaanku bilatay amaba uu arkaa waxaa ku waajib ah inuu soomaa haduu kari karo, hadiiise aysan usuuro galayn inuu ogaado naf ahaantiisa ama maqlaa waxaa la gudboon inuu dadaal la yimaadaa xiliga ay ku aadan tahay bilashada Ramadaanka soomaana marka uu is yiraahdo waa Ramadaan.

Hadii uu soonkiisaas ku aado Ramadaanka wuu ka gudmay waajibkii, hadii soonka qeyb bisha Ramadaan ah ka waafaqo  qeybtaas way ka gudantaa qeybta uu kala hor marayna dib ayuu kasoo gudayaa ama hadii uu soomaa qeyb bisha Ramadaan ka mid ah iyo bisha ka dambaysa qeyb ka mid ah wuu u ansaxayaa soonkiisii waajibka ahaana wuu ka gudmaa, hadiise uu ku beegmo soonkiisa Ramadaanka ka hor dib ayuu kasoo gudayaa soonkii Ramadaanka.

Hadii uusan qof uusan soomin sanad ama sanado asagoo u heystay inuusan qaangaarin laakiin qaangaar ahaa ogaadayna  inuu afurnaan jiray asagoo qaangaar ahaa  wax dembi ah kuma laha jahligiisa dartiis, laakiin waxaa ku waajib ah inuu soo gudo tiro ahaan inta bil ee dhaaftay.

W/Q: SH Calinuur Xoogsade
asadxg@hotmail.com
http://www.facebook.com/ali.noor

Leave a Reply


Trackbacks