Burcad badeeda Soomaalida oo si sharuud la’aan ah looga dalbaday inay sii daayaan Lahaaystayaal gacanta ugu jira

July 14, 2013 4:40 am389 commentsViews: 47

Sida ay qortay wakaalada wararka AFP,ugu yaraan 11-Qof oo ka mid ah Lahaaystayaal dhawaan dooni ay kula degtay meel ka mid ah xeebaha Soomaaliya ayaa la soo sheegayaa inay nool yihiin oo ay ka bad baadeen doonta quustay inkastoo warar horay u soo baxay ay sheegayeen in Lahaystayaasha gabi ahaanba ay la la’aa halka cirib iyo jaan ay dhigeen.

Inay nool yihiin 11-ka mid ah 15-lahaaystayaal ah oo u kala dhashay wadamo kala duwan ayaa waxaa xaqiijiyay qaar ka mid ah Ehalada dadkaasi ay gacanta ugu jireen Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida,waxayna Ehaladaan ay dalbadeen in la sii daayo dhalintooda haysan Burcad badeeda.

Waxay ka codasdeen Qoysaska dhalinta ka qowleysata biyaha Soomaaliya inay si sharuud la’aan ah ku sii daayaan,Maadaama Milkiilayaasha Markabka quusay wax dano ah uusan ka lahayn Lahaaystayaasha,sida ay ku qeyliyeen Ehaladan.

“Waxaan qof waliba oo dunida guudkeeda saran ugu yeernay inay nala bixiyaan Lacagta lagu sii deynayo Dadkeyna,laakiin qofna nama dhageysan”ayay ku sheegeen Fariin Burcad badeeda ay gaarsiiyeen.

Ilaa iyo hada Afar ka mid ah lahaaystayaasha oo gaaraya 15- ka soo kala jeeda wadamo kala duwan ayaa la la’yahay in kastoo badi oo lagu tirinayay geeri la helay ka dib markii Markii ay saarnaayeen oo lagu magacaabayay MV Albedo uu ku quusay Xeebta Hobyo.

Dadkaan gacanta ugu jira Burcad badeeda Soomaalida ayaa hada waxaa laga deyrinayaa xaaladooda Caafimaad,Burcad badeedana waxay dsoonayaan Lacag Madaxfurasho ah oo horay ay u barteen.

 

 

Leave a Reply


Trackbacks