Xogsheeg Media Network » Wararka

Tuug si cajiib ah uga xaday Hooyo canugeeda oo Laba Bil Jira
Dhacdo aad uga yaabisay dadka ku dhaqan dalka Hindiya ayaa ka dhacday dhawaan, xarun tareenada laga raaco oo ku taala magaalada Mumbai, ee dalkaas, taas oo la xidhiidhay tuugo xaday ilme laba bilood oo kaliya jira, kaas oo hooyadii oo aad u daalanayd iyadoo laabta ku haysa oo daalan gama?day.

Sida ay qabatay mid ka mid ah kamaradaha gaadhka ee tareenkaasi hooyadan oo lagu magacaabo, Barafin Sheikh oo shan iyo sodon jira ah, ayaa ahayd mid aan wax cabsi ah ka qabin ilmaheeda muujada ah ee laabteeda ku hurda.

Laakiin waxa mar kaliya inta uu marba dhinac ka maray garab fadhiistay tuugaas la tagay ilmaheedi yaraa, sida laga arkay muuqaalada kamaradu duubtay, tuugan ayaa marba dhinac ka maray, ka dib markii uu hubsaday in hooyadaasi seexatay waxa uu si fudud labada gacmood u qabtay ilmihii yaraa, waxaanu ku guulaystay inuu ka qaado.

Markii uu gacantiisa soo galay ayuu deg deg ula dhaqaaqay ilaa uu si kama danbays ah u qarsoomay oo dib loo arki kari waayay, kamarada ayaa si cadaan ah u muujisay dhamaan muuqaalka ninkaas iyo dharkii uu ku labisnaa iyo sidii uu ilmahaas u xaday ilaa uu kala libdhayay.

Fanaanada Madonna Oo La Sheegay Inay Xaraashayso Dharkeeda Si Lacagta Ka Soo Baxda Ay Ugu Caawiso Laanqayrta Cas
Fanaanada Maraykanka ah ee Madonna ayaa shaaca ka qaaday in ay xaraashayso, kumayaal dharkeeda qaaliga ah, kuwaas oo la filayo in malaayiin dollar ka soo bixi doonto, lacagtaas oo ay tilmaantay in dhamaanteed ay ugu deeqayso ururka Laanqayrta cas ee dunida, si dhibaatooyinka aadaminimo wax loogaga qabto.

Fanaanada Madonna oo ka hadashay talaabadan ayaa sheegtay in shakhsi ahaan ay tahay, qof naxariis badan oo arrimaha gargaarka aadamiga jecel in ay qayb wayn ka qaadato, waxaanay go?aankeedan ku tilmaantay mid dhinaca arrimaha aadamiga ay u qaadayso.

Sida wararku sheegayaan, fanaanadan ayaa leh kumayaal labis oo mid mid ka qaalisan yahay, kuwaas oo tan iyo sanadkii 1985-tii is dul buuxsamay, marka xaraash furan lagu naadiyana la filayo in malaayiin dollar ka soo baxdo.

Dadka aadka u xiiseeya ama sida wayn ula socda arrimaha Madonna ayaa sheegay in dharkaas ay ku jiraan, labisyo kaligood boqolaal kun oo dollar la siisanayo, kuwaas oo sida la tilmaamay qiimahoodu ku kala qaalisanaanayaan sida ay taariikhdeeda faneed ugu kala xusan yihiin, tusaale ahaan waxa suura gal ah in hal labis oo ay xidhatay habeen ay bandhig wayn qabatay oo xusuus gaar ah dadka ku leh lagu iibsado lacag boqol kun oo dollar ka badan.

Dadka naqdiya fanaanada reer Maraykan ayaa iyaguna ku doodaya, in canbaarayntii dawlada Malawi ay dhawaan, ku kicisay Madonna iyo sidii lama filaanka ahayd ee dawlada dalkaasi uga saartay liiska shakhsiyaadka ku mudan dalkaas ee (VIP)-da loo yaqaana, ku kaliftay Madonna inay dedaal badan iyo waji cusub oo naxariiseed dunida tusto.

Waxa xusid mudan in bilowgii bishan aynu ku jirno dawlada Malawi sheegtay in fanaanada Madonna sumcad xumo iyo tix galin la?aan kula kacday waddankooda, waxaanay wasiirka waxbarashada ee dalkaasi sheegtay in Madonna inta ay hal hal fasal dhisto dunida u sheegto inay iskuulo ka dhistay dalkaas, taas oo buun buunin ay ku tilmaantay, waxaanay ugu danbayntii dawlada Malawi sheegtay in Madonna wax yar oo waddankaas ay siiso ay ku doonayso inay ku hantido ama Malawi ku yeelato sida hadalka loo dhigay.

anaanada Maraykanka ah ee Madonna ayaa shaaca ka qaaday in ay xaraashayso, kumayaal dharkeeda qaaliga ah, kuwaas oo la filayo in malaayiin dollar ka soo bixi doonto, lacagtaas oo ay tilmaantay in dhamaanteed ay ugu deeqayso ururka Laanqayrta cas ee dunida, si dhibaatooyinka aadaminimo wax loogaga qabto.

Fanaanada Madonna oo ka hadashay talaabadan ayaa sheegtay in shakhsi ahaan ay tahay, qof naxariis badan oo arrimaha gargaarka aadamiga jecel in ay qayb wayn ka qaadato, waxaanay go?aankeedan ku tilmaantay mid dhinaca arrimaha aadamiga ay u qaadayso.

Fanaanada Madonna Oo La Sheegay Inay Xaraashayso Dharkeeda Si Lacagta Ka Soo Baxda Ay Ugu Caawiso Laanqayrta Cas

(Hadhwanaagnews) Monday, April 29, 2013

New York, (HWN/Agencies):- Fanaanada Maraykanka ah ee Madonna ayaa shaaca ka qaaday in ay xaraashayso, kumayaal dharkeeda qaaliga

New York, (HWN/Agencies):- Fanaanada Maraykanka ah ee Madonna ayaa shaaca ka qaaday in ay xaraashayso, kumayaal dharkeeda qaaliga ah, kuwaas oo la filayo in malaayiin dollar ka soo bixi doonto, lacagtaas oo ay tilmaantay in dhamaanteed ay ugu deeqayso ururka Laanqayrta cas ee dunida, si dhibaatooyinka aadaminimo wax loogaga qabto.

Fanaanada Madonna oo ka hadashay talaabadan ayaa sheegtay in shakhsi ahaan ay tahay, qof naxariis badan oo arrimaha gargaarka aadamiga jecel in ay qayb wayn ka qaadato, waxaanay go?aankeedan

yes”>  ku tilmaantay mid dhinaca arrimaha aadamiga ay u qaadayso.

Sida wararku sheegayaan, fanaanadan ayaa leh kumayaal labis oo mid mid ka qaalisan yahay, kuwaas oo tan iyo sanadkii 1985-tii is dul buuxsamay, marka xaraash furan lagu naadiyana la filayo in malaayiin dollar ka soo baxdo.

Dadka aadka u xiiseeya ama sida wayn ula socda arrimaha Madonna ayaa sheegay in dharkaas ay ku jiraan, labisyo kaligood boqolaal kun oo dollar la siisanayo, kuwaas oo sida la tilmaamay qiimahoodu ku kala qaalisanaanayaan sida ay taariikhdeeda faneed ugu kala xusan yihiin, tusaale ahaan waxa suura gal ah in hal labis oo ay xidhatay habeen ay bandhig wayn qabatay oo xusuus gaar ah dadka ku leh lagu iibsado lacag boqol kun oo dollar ka badan.

Dadka naqdiya fanaanada reer Maraykan ayaa iyaguna ku doodaya, in canbaarayntii dawlada Malawi ay dhawaan, ku kicisay Madonna iyo sidii lama filaanka ahayd ee dawlada dalkaasi uga saartay liiska shakhsiyaadka ku mudan dalkaas ee (VIP)-da loo yaqaana, ku kaliftay Madonna inay dedaal badan iyo waji cusub oo naxariiseed dunida tusto.

Waxa xusid mudan in bilowgii bishan aynu ku jirno dawlada Malawi sheegtay in fanaanada Madonna sumcad xumo iyo tix galin la?aan kula kacday waddankooda, waxaanay wasiirka waxbarashada ee dalkaasi sheegtay in Madonna inta ay hal hal fasal dhisto dunida u sheegto inay iskuulo ka dhistay dalkaas, taas oo buun buunin ay ku tilmaantay, waxaanay ugu danbayntii dawlada Malawi sheegtay in Madonna wax yar oo waddankaas ay siiso ay ku doonayso inay ku hantido ama Malawi ku yeelato sida hadalka loo dhigay.

Obama: Ma Noqon Doono Wiilkii Dhalinyarada Hanti-wadaaga Muslimka Ahaa
Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa hadalo xiisad iyo doodo badan ka dhex abuuray dalkaas, ku hadaaqay, casho sharafeeda sanad laha ah ee Madaxweynayaasha Maraykanku u sameeyaan, suxufiyiinta iyo dadka caanka ka ah dalkaas, gaar ahaan xidigaha shirkada Aflaamta ee dalkaas Hollywood.

Cashadan oo loo yaqaano Cashada Madadaalada Ama Casho Fukaahi, waa mid inta badan madaxweynuhu kula kaftamo dadka, waxaana sida dhaqanka u ah madaxweynayaasha Maraykanku ku soo bandhigaan, arrimo la xidhiidha xantooda suuqa ugu jirta iyo waxyaabaha had iyo jeer lagu tuhmo.

Sidoo kale waa fursad ay uga faa?iidaystaan inay ku ilaaqaan dadka ay siyaasada isaga soo horjeedaan, gaar ahaan kuwa aan madaxda hab maamuuska leh ee xisbiyada hogaamiya ama golayaasha ku jira ka midka ahayn.

Sida ay jidaysteen madaxda Maraykanka iyo war-fidiyeenada dalkaasi inta cashadani socoto waxa uu madaxweynuhu ku hadlaa, erayo aan xidhiidhsanayn oo haddana dadka ka qosliya, kuwaas oo u dhaca sida hadal la iska yidhi ama lagu hadaaqay oo kale.

Haddaba Barack Obama waxa uu hadalkiisa ku bilaabay ?Noqon Maayo wiilkii dhalinyarada Hanti-wadaaga Muslimka ahaa, waxaanu deg deg gacanta bidix ugu qabsaday sawir kadar ah oo uu ku yaalo isagoo qosol muusood ah ku jaleecaya xaaskiisa oo iyada lafteedu si la mid ah isaga u qoslaysa balse aan dhiniciisa eegayn.

Intaa ka dib waxa uu si kulul oo saraaxi ah u weeraray ninka Milyaneerka reer Maraykan ee lagu magacaabo, Sheldon Addison, kaas oo isagu si wayn u taageersanaa musharaxii doorashadii sanadkii hore jagada madaxweyne-nimada Dalka Maraykanka kula tartamayay Obama ee Mitt Romney, sida sanadkii 2012-kii warbaahinta dalka Maraykanku ku warantay waxa ganacsadahani Mitt Romney ololihiisi doorashada ku taageeray, lacag lagu qiyaasay boqol milyan oo dollar.

Obama ayaa sidoo kale weerar kulul ku qaaday, suxufiyiinta dalka Maraykanka, gaar ahaan kuwii soo tabiyay daqiiqadihii ugu horeeyay ee qaraxyadii Boston iyo warshadii Texas, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo baas oo meel walba kamarad la taagan dadkana u soo gudbiya, daqiiqado naxdin leh iyo balaayo dhacday iyadoo aan waxba laga ogayn.

Waxa kale oo uu farta ku yara fiiqay dadka hor taagan qorshayaasha dhaqaale burburka dalka Maraykanka lagu yaraynayo ee Gunti Giijiska loogu yeedho, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo bada in dooni la?aan lagu dhex mushaaxo doonaya.

Ciyaarta Legdinta Haweenka Senegal: Oo Noqotay Tartamada Loogu Jecel Yahay Kana Horreeya Kubada Cagta
Dalka Senegal oo ka mid ah waddamada galbeedka qaarada Afrika ku yaala, waxa lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay, dalalka dunida ugu dhaqanka adag, waxaana shacbiga dalkaasi yihiin, kuwo si adag ugu dhegan, caadooyinka iyo dhaqamadii soo jireenka ahaa ee ay hore u lahaan jireen qarniyaal tiro badan ka hor.

Sida warbixin Idaacada BBC-da Laanteeda Dibadaha la hadashaa ka diyaarisay dalkaas lagu oo bandhigay, waxa waddankaas si taxane ah sanadka oo dhan looga qabtaa, tartamada Legdinta oo Dumarka oo kaliyii ku tartamaan, kuwaas oo ka mid ah wareegyada loogu jecel yahay, uguna xiisaha badan Senegal.

Sida laanta dibadaha la hadasha ee Idaacada BBC-du ku warantay, wareegyada loo qabto Legdinga Haweenka oo da? kasta leh, ayaa ah kuwa ugu qaadhaan ururinta badan, guud ahaan wareegyada ciyaaraha kala duwan ee lagu qabto dalkaas, xitaa sida warbixintu tilmaamayso waxa ay ka lacag iyo taageero badan yihiin, tartamada iyo wareegyada Kubada Cagta ee dalkaas.

Inkasta oo warbixino badan oo dunida laga diyaariyay muujinayaan in kubada cagtu tahay, ta loogu xiisaynta badan yahay dunida, haddana waxa dalka Senegal oo ka mid ah waddamada ugu horeeya kubada cagta ee qaarada afrika, tartamada kubada cagta laga jecel yahay wareegyada legdinta haweenka.

Waa ciyaaro leh qaab shuruuceed ku salaysan hab dhaqan iyo waayo hore ka soo jeeda oo qaybo yar oo ka mid ah la casriyeeyay, waxa garsoore ka noqda ilaa dhawr qof oo rag ah, waxaana daawashadeeda ka soo qayb gala boqolaal qof oo rag iyo dumar leh.

Inkasta oo tartamayaashu heerar kala duwan leeyihiin, haddana kuma sii raagaan oo ma noqdaan, wareegyadaasi kuwo soo saara, xidigo caan ka noqda dalkaas, waa kuwo aad loo xiiseeyo oo taageero badan leh, waxaana sanad kasta lagu qiyaasaa in malaayiin dollar loo ururiyo ama ay ka soo baxaan daawashadooda.

Waxa lagu ciyaaraa meelo ciid lagu farashay oo dhir hoosteed u badan, mana laha garoomada tartamadani, calaamado u gaar ah iyo qaybo kala soocan, marka laga reebo inta ama qaybaha lagu ciyaarayo, dhamaan inta kale oo dhan waxa fadhi iyo taagniba ku buuxiya daawadayaasha iyo taageerayaasha tartamayaasha.

Lama horumariyo garoomada wareegyadaas lagu qabto oo ma laha tarabuuno iyo meelo nidaamsan oo dadka taageerayaasha ahi fadhiistaan, sidoo kale goobaha ay tababarada ku soo qaataan oo u badan bataaxa xeebta xeeligeedu maaha meelo calaamadaysan oo si gaar ah loogu qayday.

Inta tartanku socdo ma jiraan, wax nasasho ah oo la qaataa, waxaana muddada la ciyaarayaa ku xidhan tahay hadba sida loo kala itaal roonaado, laakiin waa kuwo xiiso badan, waxa suura gal ah in mar kaliya tartamayaal badan oo kala duwani fooda is daraan, kuwaas oo qof iyo meeshii ka dirir ah oo aan lahayn koox koox.

Haweeney 80 Jir ah oo Maalintii 10aad Cuntada ka Sooman (Sabab)
Haweenay waayeel ah oo 80 jir da’deedu tahay ayaa cuntada ka sooman maalintii 10aad, kadib markii ay ka dayrisay bisil ay bishii qaadanaysay oo ay sheegtay inuu aad ugu yar yahay inay nololmaalmeedkeeda ku maarayso.

Fatoom Jazouli waxay bishii qaadanaysay 176 lacagta Dirhamka Marooco ah oo u dhiganta $20 dollar, waxaanay ka mid tahay dad badan oo waayeel ah ka mudaharaadsan lacagta bisilka la siiyo oo aad uga yar in qof waayeel ah ku noolaado.

Haweenaydan waayeelka ah oo ku nool magaalada Fez la yidhaa ayaa waqtigan cusibtaalka uu taala gaajo aawadeed, kadib markay muddadaas cuntada ka soomanayd sida uu warbaahinta maxaliga ah ee Morocco u shegay wiilkeeda,waxaannu ka dayriyey caafimaadka hooyadii oo uu sheegay inuu aad u liito.

?Waxaan go?aansaday inaan cuntada ka soomo, dalbadana sharaf iyo caddaalad,? ayey tidhi Jazouli sida uu sheegay wiilkeeda oo la yidhaa Benaissa.

Mr. Benaissa waxa uu sheegay in hooyadii lacagtan bisilka ah ka dhaxashay aabbihii, kaasoo 20 sanno u shaqaynaayey ciidammadii boqortooyada Marocco.

Jazouli oo waqtigan ah ayeeyo ayaa ay sheegtay gabadh ay ayeeyo u tahay in dawladda dhawr jeer ay cabasho u gudbisay ayeeydeed, balse aanay wax jawaab ah iyo wax ka qabasho ah u muujin.

Dawladda Morroco ayaa bishii January ee sannadkan shaacisay in ay wax ka beddelayso nimdaamkii hawlgabnimada, iyadoo xustay inay kordhinayso da?da lagu hawlgabo sida uu sheegay Ra?isal-wasaare Cabdillih Benkarin.

Xogsheeg.com

Garoon Diyaaradeed oo Ingiriiska ku Yaal oo Shinni u Tababaray Urinta iyo Baadhista Walxaha Qarxa
Garoonka diyaaradaha Heathrow ee dala Ingiriiska ayaa shinni tiro badan u tababaray baadhitsta iyo uurinta walxaha qarxa ee madaarka lagala soo degi karo si ay uga hortagaan qaraxyo laga geysto dalkooda.

Masuuliyiinta madaarka ayaa sheegay in tababarka shinnidu uu ka fududyahay, kana jaban yahay ka Eyda, kaasoo loo tababaray inay dareemaan waxlaha qarxa iyo kiimikada laga sameeyo qaraxyada.

Shirkad  la yidhaa Inscentinel ayaa dawladda Ingiriiska ka qaadatay lacag dhan?250,000 lacagta Ingiriiska ah si ay  shinnida ugu tababarto baadhista waxlaha qarxa ee lagala soo degi karo madaarka Heathrow ee magaalada London.

Shinnidan oo loogu talagalay inay ka soo saarto wax kasta oo laga shakiyo, kuwaasoo alaabta rakaabku sitaan ku jira ayaa khubarada diyaarisay sheegeen inay kaga wanaagsan tahay urta waxlahan qarxa eyda bambooyinka uriya.

Ivan Ho oo ah madaxa shirkaddan, ayaa tilmaamay in Eyda bambooyinka uuriya tababarkoodu qaato muddo 6 bilood ah, balse shinnidan iyo cayayaanka la mid ah ay ku qaadan karto tababarkoodu wax aad u yar oo daqiiqado ah.

Shinnidan ayaa lagu tababaray inay  wax uriso, iyadoo marka hore la hordhigay sonkor weel lagu riday, taasoo carabkeeda ku soo qaada macaanka sonkorta, kadibna marka dambe loo gudbiyo sumo laga sameeyo walxaha qarxay oo sonkor lagu dhex riday si ay u uriso.

Khubarada shinnidan tababarkeeda ku guulaysatay waxay xuseen in dhaqaalaha Eyda ku baxa uu aad uga badan yahay ka shinnida oo shinidu ay rubuc ahaan ka yar tahay .

Shinnidan oo ay u bixiyeen Bomble Bees (shiinida bambada) ayaan lagu riday wax ay gasho, iyadoo si xor ah iskaga duuli doonta hawada si ay u ogaato walax kasta amma kiimiko kasta oo qarax laga sameeyo oo madaarka lala soo galo.

Waaxda safarada ee Ingiriiska ayaa sheegtay in aanay wax faahfaahin ah ka bixinayn habka shinnidan u shaqayn doonto arrimo la xidhiidha amniga aawadeed, balse waxay xuseen in barnaamijkoodan guulaystay.

Xogsheeg.com

DHAGEYSO:- Golaha wasiirada oo maanta kulan culus yeeshay
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii ay yeesheen uga hadleen xaaladda nololeed ee qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yemen, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Kulankan ayaa sidoo kale, looga hadlay qodbo ay ka mid ahaayeen, magacaabis Garyaqaanka Guud, iyo sidoo kale warbixin laga dhegeystay Wasiirka Arrimaha Dibadda Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan taasoo la xariirtay natiijada kulankii madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Wasiir kuxigeenka Warfaafinta, Boostada iyo Gaadiidka Cabdishakuur Cali Mire oo gabagabada kulanka la hadlay warbaahinta ayaa xusay in goluhu ay warbixin dhameystiran ka dhegeysteen Wasiirka Arrimaha Dibadda Marwo Fawsiya taasoo la xariirtay qodobada ay isku afgarteen madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha Kenya, isaga oo xusay in diirada lagu saaray kulankaasi Iskaashiga Amniga ee labada dal, shirka London, iyo horumarka.

Dhanka kale, golaha Wasiirada ee Xukuumada ayaa si qotadheer uga dooday xaaladda nololeed ee Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yemen, waxaana warbixintan u soo gudbiyay golaha Wasiiru dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dr. Maxamed Nuur Gacal.

“Goluhu aadbey uga murugoodeen xaaladda nololeed ee dadkaasi ku jira xeryaha qaxootiyaha ee dalka Yemen, waxaana loo saaray guddi ka kooban 5 Wasaaradood oo si deg deg ah ugu howlgala sidii dadkaasi loo samatabixin lahaa, looguna gurman lahaa” ayuu yiri Wasiirka oo dhanka kale xusay in guddigani madax looga dhigay Dr. Gacal, uuna u howlgali doono sidii xariiro loola sameyn lahaa hay’addaha caalamiga ah si loo helo gurmad ballaaran oo loo fidiyo dadkaasi Soomaaliyeed.

RIIX HALKAAN SI AAD U DHAGEYSATO HADALKA WASIIR KU XIGEENKA WARFAAFINTA.

Wasiirka ayaa sheegay in goluhu ay aad uga damqadeen xaaladda adag ee ay ku nool yihiin qaxootigaasi, waxayna isla garteen in si deg deg ah dadkaasi xaaladooda loogu howlgalo sidii loo samatabixin lahaa, maadaama buu yiri loo arkay inay ka duwanyihiin qaxootiyaha kale ee ku nool dalka dibadiisa.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa tilmaamay in goluhu ay cod caqlabiyad leh ku meel mariyeen magacaabista Garyaqaanka Guud ee dalka, waxaana loo magacaabay Dr. Cismaan Cilmi Guuleed (Biikolo).

Warculus.com

Sawiro:- Madaxweynaha Soomaaliya si aad ah loogu soo dhaweeyay Garoowe
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalad Garoowe, waxaana halkaas uu kulamo kula yeeshay madaxda maamulka Puntland.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa si aad ah loo soo dhaweeyay, waxaana uu la kulmay Madaxweyne Faroole iyo mas’uuliyiin kale oo reer Puntland ah.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Puntland ay tahayhooyadii dowladda Federaalka, wxaana dhanka kale uu tilmaamay in dowladiisa ay ka go’an tahay hirgelinta Federaalka.

Faroole ayaa isna aad ugu dheeraaday hadalka, wuxuuna sheegay in madaxweynaha loo baahnaa xilli hore inuu gaaro Garoow, hase ahaatee hadda ay ku faraxsanyihiin safarkiisa.

Ra’iisul Wasaaraha oo dhiirigaliyay tabobarada ciidanka ee wadanka guddihiisa
Muqdisho, April 28, 2013—-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta tilaabo dhiiragelin ah u sameeyey askarta cusub ee ciidanka xoogga dalka ee ku jira xerada tababarka Jasiira, kuwaasoo ay tiradoodu gaareyso kun askari.

Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Cali Cabdi Wardheere (Cali-yare), ayaa saaka gaarsiiyay caddad Geel ah oo ah hadiyad ciidanka uga timid Ra’iisal Wasaare Saacid, looguna talagalay in loo qalo ciidankaasi ku jira xerada tababarka ee Jasiira. Waana tilaabo lagu dhiir-galinayo ciidanka, maadaama ay ku jiraan tababar adag oo waqti dheer qaatay. Ciidankan ayaa lagu wadaa in qeybtooda hore uu tabo-barku u xirmo dhamaadka bisha Meey.

Gaashaanle Sare, Faandhe Jaamac Kaarshe oo ah taliyaha dugsiga tababarka ee Jasiira ayaa ka mahadceliyay taakuleynta khaastaa ee ka timid Ra’iisal Wasaaraha, wuxuuna xusay in ciidanku ay u baahnaayeen inta ay ku jiraan tababarka ay helaan taakuleyn toos ah oo ka timid madaxda qaranka.

Ciidankan ayaa waxaa halkaasi ku tababaraya saraakiil Soomaaliyeed oo khibrad dheer u leh dhanka tababarka ciidamada, iyadoo la siinayo casharo qaab dagaal, jirdhis, anshax, difaaca iyo wadaniyadda. Tababarkaan ayaa ah kii ugu horeeyay ee noociisaa ee ka dhaca dalka gudihiisa intii ka dambaysay 1991. Waxaana ay dawladda Soomaaliya ku tilmaantay horumar laga gaaray dhanka tayeynta Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee saldhiga u ah hanashada amniga dalka guud ahaan.

Xogsheeg.com

Muqdisho, Soomaaliya

AKHRISO:- Arrimo Xiiso Badan oo ku Saabsan Dabeecadaha Hoggaamiyaha Woqooyiga Kuuriya
inyonya Mr. Kim Jong-un oo ah wiilka ugu yar inamadii uu ka tegay hoggaamiyihii kaligii taliyaha ahaa ee waqooyiga Kuuriya Kim Jong-il ayaa warbaahintu muddooyinkii u dambeeyey ku daba jirtay inay siday u oggaan lahayd dabacadihiisa, kadib markii uu la wareegay xukunkii aabbihii ka dhintay, kana yaabiyey dawladdo u luqin diileeya dalalka kale ee caalamka.

Arrimo 10 ah oo wiilkan aadka u yar ee muddada yar ku yeeshay awoodda badan ee uu dalal badan ugu hanjabay laga soo ururiyey waxa u dhignaayeen sidan;

1 Waqtiga rasmia ah ee uu dhashay waa mid aan si fiican loo aqoon

Kim Jong-un waxa la sheega inuu dhashay badhtamihii 1983 amma 1984, balse dhalashadiisa rasmi ah aabbihii muu sheegi jirin, balse dawladda waqooyiga Kuuriya ee uu u taliya waxay sheegtaa inuu inuu u dhashay January 8, 1984.

2 Waqtigii uu waxbarashada sare ku jiray ardaydoodu may aqoon inuu madaxweyne dhalay,  magac beenana uu ku diiwaangshana

Jong-un waxa uu waxbarashadiisii sae ku dhigan jiray magac la yidhaa pseudonym Pak Un, waqtigaas oo ahayd 1988, ardayda badankooduna may aqoon inuu dhalay hoggaamiyiaha Waqooyiga Kuuriya, waxa uu si fiican u bartay luuqadaha Ingiriisiga, Jarmalka iyo Faransiiska intii uu waxbarashadiisa ku jiray.

3 Wuxuu aad u jeclaa Ciyaaraha kubadda Kolayga Maraykanka ee NBa

Sida ay sheegeen arday ay wada dhigan jireen kuleej kii uu dhigan jiray ee Switzerland Mr. Jong Un wuxuu gidaarada qolkiisa ku dhejisan jiray ciyaaryahanno ka tirsan horyaalka NBa ee dalka Maraykanka sida Kobe Bryant, Toni Kuloc, Michael Jordan iyo La Laker.

4. Wuxuu jecel yahay cunto lagu sameeyo dalka Maraykanka:

Marka laga reebo qoyska awoodda badan ee uu ka dhashay Jong-un, wuxuu aabbihii kaga duwan yahay ma necba waxyaabaha lagu farsameeyo dalka Maraykanka, sababtoo ah wuxuu cunaa macmacaanka ay soo saarto shirkadda Nike Sneakers.

5.  Waa Madaxweynaha adduunka ugu da?da yar:

Ha dhasho 1983 amma 1984, balse Jong-un waa hoggaamiyaha ugu da?da yar adduunka ee adduunka madaxweyne ka noqday waqtigan xaadirka ah, waana nin awood badan oo aad u jecel in dadku bartaan.

6. Wuxuu aad u cabbaa khamriga:

Warar aan si cad loo u soo shaac-bixin ayaa sheegay in Kim Jon-ul yahay qof khamriga aad u cabba, waxaannu qabaa cudurrada macaanka iyo dhiig-karka, balse masuuliyiin hore xilal aad u sarreeya ka soo qabtay Woqooyiga Kuuriya ayaa ku sheegay Jong-un inuu yahay mid aad ugu fiican xilgudashadiisa, sidoo kalena aan jeclayn inuu guuldarraysto marnaba, haddii guuldarro ku timaadna aad uga cadhooda.

7.  Maalinta dhalashadiisa loo asteeyey waa maalin fasax qaran la galo:

Mr. Jong-un waxa uu shuruucda dalkiisa ku darsaday in maalinta uu dhashay laga dhigo maalin la galo fasax qaran, kaasoo dhammaan gobollada iyo degmooyinka waddanka Kuuriyada Woqooyi looga dabbaaldegaa sannad kasta xuska dhalashadiisa. La soco?

8. Wax sawiro ah lagama hayn ka hor intii aannu xilka qabsan:

Mr. Jong-un waqtigii uu carruur ahaa amma aannu la waeegin xilka uu waqtigan hayo wax sawirro ah lagama hayn, balse waxa warbaahintu mar qudha indhaheeda ku eegtay waqtigii lagu dhawaaqay inuu aabbihii xilka kala wareegi doono amma la sii saadaaliyey in uu yahay ninka dalka u talin doona, waana markii sawirradiisu haqar jabiyeen mareeg kasta iyo warbaahinta caalamka badankeeda.

9. Waxa uu aad uga baqaa Rayiislayaasha, timahana isaga laf ahaantiisa iska jara

Wuxuu aad uga baqa Jong-un rayislayaasha, sidaa darteedna isaga iska xiira timaha, kadib markii uu yaraantiisii cuqdad ka qaaday timaha oo laga jaray, habka uu xiirto waqtiana waxay dalka Waqooyiga Kuuriya ka noqotay nidaamka ugu casrisan ee dadkaasi u xiirtaan.

10. Warbaahinta waxay sheegta inuu marar badan qallin isku qurxiyey

Warbaahinta Koonfurta Kuuriya iyo qaar kale oo badan ayaa tilmaama in hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya ee da?da yar uu marar badan wejigiisa qurxiyey si uu ugu eekaado awoowgii oo ahaa aasaasihii Waqooyiga kuriya, waxaanay sawiiro badan oo laga qaaday aad uga duwan yihiin kuwii laga qaaday waqtigii uu xilka la wareegay.

Xogsheeg.com

Muqdisho, Soomaaliya.