Ciidamada dowlada ee Jubbooyinka oo isku shaandheyn lagu sameeyay

July 11, 2013 5:08 am14 commentsViews: 61

Saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ee ku sugan Jubbooyinka ayaa sheegay in isku shaandheyn lagu sameeyay ciidamada dowlada.

Sarkaal Maxamed Buule oo kamid ah saraakiisha ciidanka Dowladda ee Gobalada Jubbooyinka ayaa usheegay warbaahinta in ciidamada Dowladda ee Jubbooyinka la isku shaandheynayo.

Wuxuu sheegay in ciidanka qaarkood ay ku jiraan ciidamo lagu soo tababaray dalka Kenya,kuwaasi oo qaarkood loo bixiyay magaca ciidanka Jubbaland iyo ciidan kale oo Dowladda ka tirsan oo iyagana Jubbooyinka ku sugan dhamaan ciidamadaasi ayuu sheegay in isku shaandheynta lagu sameynayo.

Sarkaalkaan ayaa ku sheegay isku shaandheynta lagu sameeyay ciidamada inay diyaar u yihiin inay gaaraan magaalada Kismaayo ee dhawaan laga soo saaray saaray.

Leave a Reply


Trackbacks