Dooni Dad siday oo lagu la’yahay xeebaha Gobolka Bari

July 16, 2013 8:41 am65 commentsViews: 31

Wararka ka imaanaya deeganada maamulka Puntland gaar ahaan Gobalka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu la’yahay dooni ay saarnaayeen dad isugu jira rag iyo dumar.

Doontaan ayaa la sheegay inay kusii jeeday deeganada Xaabo iyo Murcayo oo ka tirsan gobalka Bari,waxaana dadka saarnaa ay ahaayeen saddex qof oo isugu jiray rag iyo dumar.

Mid kamid ah ehelada dadkii saarnaa doonida ayaa sheegay in doonidan la la’yahay muddo dhan 5 maalmood halka ay jaan iyo cidhib dhagtay,wax war ah oo la xiriira arimaheedana aan la hayn.

Xilligan ayaa xeebaha Gobalka Bari,waxaa ka jira dabeylo,badan taasi oo suuragal ah inay jeedisay jihada doonta.

Si kastaba ha ahaatee dadka degan bariga fog ayaa gaadiid ahaan u isticmaala doonyaha laashashka iyo laylada, taasi oo xiliyada uu ka jiro badda dabaylaha kala kulma khasaare nafeed iyo mid maaliyadeedba.

Leave a Reply


Trackbacks