Gobolka Shabeelaha Dhexe oo lagu qab qabtay Saraakiil Shabaab ah iyo howlgalo wali ka socda Jowhar

July 14, 2013 5:16 am65 commentsViews: 116

Taliska ciidamada Nabadsugida Gobalka Shabeelaha dhexe ayaa faah-faahin ka bixiyay howlgalo ay ka sameeyeen Degmada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha dhexe iyo deegaano hoostaga Degmada Jowhar.

Cabdi Wali Ibraahin Maxamed Taliyaha ciidamada Nabadsugida Shabeelaha dhexe ayaa usheegay warbaahinta in howgalka inta badan ay fuliyeen xilliga habeenkii ayna ku bartilmaameedsadaan dadka farmuuqa ah.

Wuxuu sheegay inay gacanta kusoo dhigeen dad ku cusub Magaalada oo ka tirsan amniyaadka Shabaab,kuwaasi oo qaarkood lagu wareejiyay maxkamada ciidanka qalabka sida.

Taliyaha ayaa sheegay in sidoo kale baaritaanka ay kusoo qab-qabteen hub ubadan bambooyinka gacanta laga tuuro,inkastoo guriga howlgalkaasi laga fuliyay aysan cidi joogin sida uu sheegay.

Taliyaha ciidanka Nabadsugida Gobalka Shabeelaha dhexe ayaa sheegay in ciidamada Nabadsugida ay howlgalo kale ka sameeyeen tuulooyin hoostaga Degmada Jowhar ee xarunta Gobalkaasi.

Tuulooyinka howlgalka laga sameeyay ayuu ka xusay Koongo oo ku dhaw Degmada Jowhar,rag ka tirsan Shabaabna laga soo qabtay oo qaarkood uu ku cadaaday fal dambiyeedka iminkana ay xiran yihiin.

Howlgalada ayuu sheegay inay sii socon doonaan inta Shabaab Gobalka Shabeelaha dhexe laga nadiifinayo sida uu yiri.

Leave a Reply


Trackbacks