Home » Wararka » Maqaayadda Shariif Ee Magaalada Muqdisho (Warbixin).

Maqaayadda Shariif Ee Magaalada Muqdisho (Warbixin).

Muqdisho – Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Somaaliya ayaa hanti adag meel dhigtay ka hor intii aan looga guulaysan doorashadii uu lagalay Xasan Sheekh Maxamuud.

Liis uu horay usoo saaray guddiga dabagalka Q.Midoobay ayaa lagu sheegay in shariif Sheekh Axmed safka horay uga jiray siyaasiyiin lacago malaayiin dollar ah xaday.

Magaalada Muqdisho waxaa caan ka ah gooba ganacsi oo uu maalgeliyay shariif Axmed intii uusan xilka ka dagin,goobahan ganacsi waxaa badankood gacanta ku haya dad ay qaraaba yihiin iyo kuwa ay isku wanaagsanaayeen xilligii isbahaysiga dib u xoreynta.

Degmada Xamar weyne waxaa ku taal maqaayad caan ah oo dadku ugu magac dareen “Maqaayadda Shariif” maqaayadan waxaa lagu iibiyaa cuntadada fudud iyo midda caadiga ah ee adag waxaana maqaaxi ay ka shaqeeyaan dad si wanaagsan cuntada u kari yaqaan.

Dad maqaayaddan galay ayaa ii sheegay in sicirka wax lagu iibsho uu qaali yahay waxaana ka cunteeyo dadka u shaqeeya Dowlada Federaalka iyo ganacsatada jeebkoodu buuranyahay.

Sidoo kale shariif ayaa maalgelin ku sameeyay qeyb kamid ah gaadiidka wiishashka ee ka howlgala dekadda Muqdisho waxaana bil walba kasoo gala lacago adag.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ay jiraan ganacsiyo kale oo qarsoon oo shariif ku lug leeyahay sidaasi oo ay tahay xiligii uu shariif dalka ka guurayay waxaa lagu lahaa lacago dayn ah.

Xogsheeg Media
Muqdisho

Tags:

One Response

  1. fadlan cambaarayn ta ha laga daayo madaxda umada soomaaliyeed

    mahadsanidiin

Leave a Reply

© 2012 Xogsheeg Media Network · RSS · Designed by MAK · Powered by WordPress