Saraakiisha Ciidamada Galmudug oo dalbaday in la taageero ciidamada maamulkaasi si ay amaanka u sugaan

July 16, 2013 8:23 am18 commentsViews: 35

Daraakiisha Ciidamada Galmudug ayaa codsaday in laga caawiyo tayeynta iyo qalabeynta ciidamada maamulka Galmudug,xilli ciidamada ay soo wajaheyso tayo la’aan.

Taliyaha ciidanka maamulka Galmudug Cabdi Jaamac Cabdule Xabeeb oo kahor hadlaye ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug,ayaa sheegay in xilligan ay doonayaan saacidaad dhanka qalabka ciidanka ah oo ay baahi weyn uqabaan.

Wuxuu sheegay taliyaha inay iminka u baahan yihiin in laga caawiyo dhanka qalabka isgaarsiinta iyo gaadiidka ciidanka,isaga oo u mahadceliyay ciidanka ammaanka sida ay ugu dadaaleen xaqiijinta ammaanka deeganada maamulka Galmudug.

Taliyaha ciidanka oo Wasiirka arimaha gudaha maamulka Galmudug usharaxaye xaalada ciidamada maamulka Galmudug,ayaa sheegay in qaar kamid ah ciidanka ay xanuunsan yihiin ayna ubaahan yihiin dabiib.

arintaan ayaa waxay ku soo aadeysaa iyadoo Galmudug ay dooneyso inay xoojiso amaanka deegaanadeeda,iyadoo amaandari baahsan la soo sheegayo.

Leave a Reply


Trackbacks