Khilaaf aad u xoogan ayaa soo kala dhaxgalay qaar kamid ah qaraabada Shariif Sheekh Axmed maalin kadib markii uu shariif isaga huleelay dalka Somaaliya.
Ciidamada AMISOM ayaa xoog ku kala eryay dad careysan oo shalay isugusoo baxay garoonka diyaaradaha Muqdisho oo xiligaasi ay taagneed diyuurad dalka Uganda u qaadi laheed shariif Sheikh Axmed.
Qandaraaslayaal iyo shaqaale ka shaqeyn jiray madaxtooyada Villa Somaliya ayaa shariif ka tabanaya in uu kala tegay lacago boqolaal kun oo dollarka mareykanka ah.
Mid kamida ganacsatada uu shariif lacagta kala tegay ayaa ku wareegay maqaayad VIP ah oo uu shariif ku lahaa degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, odayaal dhaqameedyo beesha shariif ah ayaa wado dadaallo ay beesha uga aruurinayaan lacago qaaraan ah.
Ganacsatada qandaraaslayaasha ubadan ayaa wado dadaallo ay madaxweyne Xasan Sheekh uga dalbanayaan in uu bixiyo hantidii ay shariif ku lahaayeen.
Dhinaca kale gacan ka hadal ayaa dhaxmaray xaasaska shariif sheekh Axmed waqtigii ay garoonka kasii dhoofayeen, goob joogayaal ayaa sheegay in laba kamid ah xaasaska shariif ay ku dagaalameen gudaha garoonka.
Ciidamada AMISOM ee garoonka ilaalada ka haya ayaa muddo saacada ah xanibay sofarka shariif waxayna su’aalo weydiiyeen labada xaas ee dagaalanta, shariif ayaa ku guuldaraystay in uu heshiisiiyo xaasaskiisa illaa khilaafka kajira gurigiisa banaanka usoo baxo.
Al-Salaamu Calykum wa raxmatulhi wa baarakatuSalaam ka bacdiWaxaynu gallay tobankii maalmood ee bisha barakaysan ugu dambbeeyey, waxaan leeyahay ilaahay bisha barakeysan khayrkeeda ha inna siiyo, Soonkeenna, Salaadeenna iyo Ducadeennaba ha innaga aqbalo. AamiinAnnigoo ka mid ahaan jiray indheergaradkii Xisbigii Qaran, waxaan aad ugu farxay iscasilaadda Wasiirka, Dr. M. A. Gabboose, anigoo aad iyo aad ugu kalsoon inuu waddan dawadiisa gacan ku hayo isagoo Ilaahay la kaashanaya, Ummadda reer Somalilandna sidaasey ku calool sanyihiin iyagoo si weyn oo fooqal xad ah ugu Kalsoon Dr. Gaboose, Waayo Waxay Somalidu tidhaa Ninkaad kabaha ka toloneysid Kabbihiisaa la eegaa . Dr. Gaboose waa nin dhakhtar ah waxaanu ka gaadhey dhakhtarnima inuu noqo dhakhtarkaa dhakhtaradda caalamka ugu caansan, taasi waxay ku tuseysaa inuu DR. Gaboosse mareegtii loo egmadaba kasoo baxayo, isla markaa nin aqoonsan inaan Qabyaalad iyo Qarannimo meel aaney wada geleyn oo aqoonsan Qaranimada Somaliland, maanta laga bilaabana Xisbiga ka mid ayaan ah.Waxaan haddalkaygii kusoo gabgebeynayaa Dr. Guleysoo annaa waanu garabtaagannahay haddii eebbe yidhaa.Waa GuulCabdiraxman M. CumarJubail. KSA
Asc wr wb wlh run ahanti waan la dhacay sida qiirada leh ama aad hosha bulshada ugu qabatan marka ilaahay ha idinla garab galo hosha aad bulshada uhesaan aamin