Home » Posts tagged with "Wararka"
Raali gelin:- Shabakada Warbaahinta Xogsheeg oo dib u howlbilawday
Dhamaan waxaan raali gelin buuxda halkaan usoo marinyenaa shacabka ku xiran Shabakadda Xogsheeg oo mudooyinkaan dambe dib u habeen casri ah lagu waday.
Shabakada ayaa wixii ka dambeeya maalinta berri ah haddii uu rabbi raali ka noqdo waxay si toos ah u bilaabeysaa howlaheeda Shaqo Insha Allah, waxaadna uga bogan doontaan, wararka, Arimaha Bulshada, Ciyaaraha iyo waxyaabo kale oo aad badan.
Hadaba...
Al Shabaab: Faransiiska Weli Waan ka Heynaa Maxbuuskii waana Bad-qabaa.
ْْْXarakada Al Shabaab ayaa war kasoo saartay howlgal qorsheysnaa oo ay ciidanka Faransiiska xalay ku qaadeen magaalo dhacda Konfurta Somaaliya.
Bayaan kasoo baxay Xarakada Al Shabaab oo lagu baahiyay barta Twitterka ayaa lagu sheegay in howlgalkii ay Faransiisku fuliyeen uu fashilmay islamarkaana uu bad qabo laheyste Alax Denes.
Al Shabaab waxay sheegtay in howlgalku uu ahaa mid lasoo qorsheeyay...
Faransiika Oo sheegay in Askar Looga Dilay Buula Mareer.
Dowladad Faransiiska war kasoo saartay dagaal culus oo ay ku lug lahaayeen ciidamada Faransiiska kaasi oo saaka aroortii hore ka dhacay Buula Mareer ee Somaliya.
Wasaaradda dagaalka Faransiiska ayaa war ay soo saartay ku xaqiijisay in ciidanka gaarka ah ee Faransiiska jab xoogan kasoo gaaray dagaalkii Xalay.
Faransiisku waxay sheegeen in ujeedka weerarku uu ahaa soo furashada Maxbuus faransiis ah oo...
Qaraxyo Khasaara Dhaliyay Oo Maanta Ruxay Muqdisho.
Qaraxyo khasaara dhaliyay ayaa maanta ka dhacay qeybo badan oo katirsan magaalada Muqdisho xilli dowlada Federaalka ay dhawaan sheegtay in ay sugeyso ammaanka caasimadda.
Xildhibaan katirsan baarlamanka ayaa maanta ka bad baaday isku day ladoonayay in lagu khaarijiyo,qarax weyn ayaa lala helay gaari uu la socday Xildhibaan Cabdullaahi Xasan xilli uu marayay meel ku dhaw isgoyska Zope.
Qarax kale ayaa...
Askar Faransiis ah oo lagu dilay Dagaal ka dhacay Buulamareer Sh.Hoose.
Dagaal culus ayaa xalay gobolka shabeelaha hoose ku dhaxmaray ciidamo Faransiis caddaan ah iyo xoogag taabacsan Xarakada Al Shabaab ee Soomaaliya.
Saraakiil katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa sheegay in diyaarado dagaal oo Faransiisku leeyihin ay xalay saqdii dhexe ciidan ku daadiyeen gudaha Buulamareer waxayna weerar ku qaadeen guri ay deganyihiin ciidamo Shabaab katirsan oo Buula Mareer kuyaal.
Dagaal...
Qaraxyo Khasaara Dhaliyay Oo Mandheera ka dhacay.
Xoogag hubeysan ayaa xalay weerar culus ku qaaday saldhigga Booliska magaalada Mandheera oo katirsan dhulka Soomaalida ee Kenya gumeysato.
Ugu yaraan hal qof ayaa dhintay sedax kalane dhaacyo ayaa gaaray kadib markii laba qarax lala helay saldhigga booliska iyo xarunta hay’adda WFP ee magaaladaasi.
Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidanka booliska ay goobta xireen kadib markii uu weerarku ka dhacay...
Axmed Daaci “Muqdisho Isbaarooyinaa daadsan,Xafiisyada Dowladda xataa waa yaalaan”.
Maamulka dowlada Federaalka ee gobolka banaadir ayaa shaaciyay in isbaarooyinka Muqdisho ay sii xoogeysteen kadib markii ay saraakiisha dowladaasi sheegeen in isbaarooyinkii la qaaday.
Gudoomiyaha degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow Axmed Daaci waa guddoomiyaha degmada Wadajir wuxuuna qiray in intabadan degmooyinka xamar ay yaalaan isbaarooyin dadka lacago looga qaado.
“Magaalada Muqdisho waxaa...
Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay Rabshado ka dhacay magaalada Seylac.
Rabshado dhimasho iyo dhaawac dhaliyay ayaa maanta ka dhacay degmada Seylac ee gobolka Awdal oo kamid ah gobolada Somaliland maamusho.
Wararka ka imaanaya Seylac ayaa sheegay in boqolaal katirsan ciidanka Somaliland ay saaka gudaha ugaleen magaalada kadibna waxay bilaabeen in ay xoog ku galaan guryo lagu tuhunsanyahay in ay ku suganyihiin dadka maamulka mucaaradsan.
Goob joogayaal ayaa sheegay in laba...
Dhageyso:Faroole oo watiga Kororsaday iyo Mucaaradka oo doorashooyin qabanaya.
Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Raxman Faroole ayaa ku dhawaaqay in sanad hor leh loogu daray waqtiga madaxtinimada maamulkaasi.
Faroole oo xalay xaflad ku qabsaday Boosaaso ayaa sheegay in maamulkiisu uu sanadka soo socda qaban qaabi doono doorashooyin islamarkaana uu furay hanaanka axzaabta badan.
Faroole oo umuuqday in uu sabar siinayo kooxaha mucaaradka aya sheegay in maamulkiisu uu xoogga...
Ciidamo Dowladda Federaalka taabacsan oo Kufsi iyo dhac ka geystay Sh.Hoose.
Faah faahiino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay ciidamo katirsan dowladad Federalka maanta ku qaadeen gaadiid dad shacab ah la socdeen
Maanta duhurkii ayay ciidan hubeysan wadada ugaleen gaari kasoo anba baxay magaalada Marka kunasii jeeday magaalada Muqdisho.
Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidanka oo hubeysan ayaa amar ku bixiyay in darawalka gaariga uu istaajiyo halka loo yaqaan Labada dhagax...